Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika (Masawiro)

September 13, 2014 - Written by Editor

DSC_0305Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Eng, Cabdi Xakiim C/laahi Cumar Camey ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika kuliyada dheeda kala duwan gaar ahaan Faraceeda Garoowe.

Kulanka lagu gudoonsiiyey shahaadooyinka araday gaareysa 86 arday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Gudoomiyaha barlamaanka Siciid Xasan Shirre, xubno katirsan golayaasha labada gole ee dowlada Puntland ,culumaudiin iyo Isimo.

Ardayda ka qalin jabisay kuliyadaha kala duwan  ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa ka mid ah kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen Kuliyadaha Shareecada iyo Qaanuunka, kuliyada Cumputer Science , BBA-DA iyo Kulliyada Community Development.

Gudoomiyaha guud ee jaamacadda Bariga Afrika Dr. Aadan Sheekh Doon ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ardayda qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada bariga Afrika kuwaas oo wax badan ka tari doona deegaanada Puntland

Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray 86 arday ee ka qalin jabisay wuxuuna ugu baaqay in ay dalkooda iyo dadkooda ay wax u qabtaan uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen .

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa  sidoo kale hadalo dhiiro galin ah iyo waano ah u jeediyey 86 arday ee ka qalin jabisey kuliyadaha kala duwan ee jaamacada bariga afrika.

no images were found

Ilaa iyo intii la asaasay Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa ka qalin arday aad u tiro badan oo gaareysa 3589 arday oo ka dhiganayey xarumaha kala duwan ee Jaamacada Bariga Afrika ee ku yaal deegaanada Puntland.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online