Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) oo xaaladeeda caafimaad ay ka soo raynayso

September 5, 2014 - Written by Editor

dhaawacMuqdisho:-War aan ka helnay mid ka mid ah Qaraabada Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) oo ahayd xaaskii Jeneral Mohamed Abshir Haamaan oo ka bad baaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo xili ay ku sugnayd magaalada Muqdisho ayaa noo sheegay in Marwo Faadumo Mohmamed Aadan Calbato) xaladeeda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaal dalka Turkiga ayna ka soo raynayso.

Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) ayaa weerarkii la doonayey in lagu khaarajiyo waxaa ka soo gaaray dhaawac culus oo ka gaaray dhinac madax ilaa haddana ay takhaatiirtu ay la tacaalayaan.  Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) Allaha caafiyee ayaa  markii fal danbiyeedkaa lagula kacay waxaa  la joogay 2 ka mid ciyaalkeeda oo ka baxsaday guriga lagu soo weeraray.

Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) falka lagu khaarajin lahaa ayaa waxaa uu salka ku hayaa guri ay lahayd oo ku yaal magaalada Muqdisho oo maxkamada gobolka Banaadir ay u xukuntay mudo 3o maalmood ahna loo qabtay qolooyinkii guriga deganaa oo la tuhun san yahay in ay wax ka soo abaabuleen isku dayga dilka ah ee ay ka badbaaday Marwo Faadumo.

Ninka weerarka kula kacay Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) ayaa ka mid ah askarta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya waxaan hadda lagu hayaa mid ka mid ah Saldhigyada Ciidanka Booliska ee magaaalada Muqdisho.

Ma ah Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato)  qofkii ugu horeeyey oo guri uu leeyahay ay u xukunto maxkamada Gobolka Banadir  ee Muqdisho ka dibna ay dhib ka soo gaarto dadkii deganaa gurigiisa.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online