Maxaynu ku marti soornaa tobanka Dulxijjah W/Q Xudeyfa Raage

September 28, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Mahadda Eebe ka dib Waxyaabaha Allaah uu ku galadaystay adoomadiisa korkooda waxaa kamid ah inuu uyeeley xiliyo gaar ah si ay badsadaan dhaacadiisa iyo camalka wanaagsan,kuna tartamaan wixii Alle u dhowayn lahaa,qofka guuleystay waa qofka ka faaiideystay furastaas qaaliga, oo aan ka dhigin waqti iska soo maray.

Waxaa kamid ah xiliyadaas wanaagsan tobonka ugu horeeya ee bisha Dulxijjah,waa maalmo suubana heena Muxama(sallalaahu Calayhi wasallam) uga marqaati kacay inay yihiin maalmihii ugu fadliga badnaa ee aduunka,umadiisana ku booriyay inay badsadaan camalka wanaagsan; intaas waxaaba kasii muhiimsan in Alle ku dhaartay maalmahan, taas baaba sharaf iyo fadli ku filan, maxaa yeeley Alle wuxuu ku dhaartaa waa wax wayn.

Taas ayaa waxay qofka Muslimka ku bixinaysa inuu ku dadaalo sidii uu uga faaiideysan lahaa maalmahan kooban.

Waxaan Allaah waydiisanayna inuu nagu arsuqo sidii aan uga faaiideysan lahayn maalmahan ( Allaahuma Aaaamin).

Sidaa darted ayaan jecleystay inaan maqaalkan idinkula wadaago sidii aan uga faaiideysan lahayn Maalmahan tobonka ah.

1- Maxaynu ku qaabilnaa tobankan Dulxijjah?

Waxaynu ku qaabilaynaa Towbad run ah:

Qofka Muslimka waxaa waajib ku ah inuu ku qaabilo xiliyada dhaacaadka guud ahaan Towbad run ah iyo go,aan adag uu ku gaarayo inuu Rabigiisa ulaabto, maxaa yeeley towbada waxaa laga helayaa liibaan aduun iyo aakhiro, Allana waxaa uu yiri Jalla Wacala :

وتوبوا إلى الله جميعاً أيها المؤمنون لعلكم تفلحون [النور:31

Waxaan kaloo ku qaabili karnaa inaynu go,aan adag ku gaadhno sidii aan uga faaiidi lahayn maalmahan:

Waxaa u haboon qofka muslimka inuu ku dadaalo sidii uu ugu camiri lahaa maalmahan camal iyo hadalo wanaagsan,qofkii go,aansada inuu sameeyo howl ilaahay baa garab gelaya wuxuuna u diyaarinayaa asbaabtii ku caawin lahayd arinkaas Alle waxa uu yiri subxaanahu wataacaala:

والذين جاهدوا فينا لنهدينهم سبلنا) العنكبوت

Waxaan kaloo ku qaabili karnaa maalmahan wanaagsan inaynu ka fogaano Macsiyada:

Sida dhaacaadka ay uyihiin asbaabta Alle loogu dhowaado ayay macsiyaduna u tahay asbaabta Alle looga fogaado, waxaa dhici karta in qofka naxariista Alle looga fogeeyo dembi uu galay darteed, ku dadaal walaalka muslimka ahow sidii aad uga faaiidi lahayd maalmahan qiimaha badan.

Fadliga 10 kan cisho:

1-Allaa ku dhaartay, Allena hadii uu ku dhaarto shay waxaa markiiba lafahmayaa shaygaas inuu yahay wax wayn ilaahay agtiisana qiimo kuleh, Allah waxa uu yiri

بسم الله الرحمن الرحيم. والفجر وليال عشر (الفجر)

Tobanka ayaada lagu sheegey waa tobonka ugu horeeya ee bisha Dilxijjah sida ay qabaan mufasiriinta intooda badan .

2- Rasuulkeena ayaa uga marqaati kacay inay fadli badan yihiin

عن جابر رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال :(فضل أيام الدنيا أيام العشر ـ يعني عشر ذي الحجة ـ قيل: ولا مثلهن في سبيل الله؟ قال : ولا مثلهن في سبيل الله إلا رجل عفر وجهه بالتراب) رواه البزار وابن حبان وصححه الألباني

3- waxaa kujirta maalmahan maalinka carafe:

Carafo waa maalin wayn, waa maalinka xajka wayn, waa maalin dembiyada la dhaafo,waa maalin naarta la iska xoreeyo,

4-waxaa ku kulma maalmahan gudahooda cibaadada hooyooyinkooda:

Waxaa uu yiri Xaafid ibnu xajar kitaabkiisa fatxul baariga hadalkan:

والذي يظهر أن السبب في امتياز عشر ذي الحجة لمكان اجتماع أمهات العبادة فيه، وهي الصلاة والصيام والصدقة والحج، ولا يتأتى ذلك في غيره.(2/460)

Sida muuqata sababta ay usoocan yihiin 10 dulxijjah waa in cibaadada hooyooyinkooda ay ku kulmeen maalmahan gudahooda, oo ah salaadii soomkii sadaqadii iyo xajkii,waxaan maalmahaas ahayn kuma kulmaan.

Muxuu yahay fadliga cibaadada lasameynaayo maalmahan gudahooda?

Waxaa rasuulkeena yiri sallalaahu calayhi wasallam, maalmo majiro camal wanaagsan laqabto Alle xagii looga kalgacayl badan yahay maalmahan.

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (ما من أيام العمل الصالح فيها أحب إلى الله من هذه الأيام ـ يعني أيام العشر ـ قالوا: يا رسول الله، ولا الجهاد في سبيل الله؟ قال: ولا الجهاد في سبيل الله، إلا رجل خرج بنفسه وماله ثم لم يرجع من ذلك بشيء) [رواه البخاري

وعن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما قال: (كنت عند رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: فذكرت له الأعمال فقال: ما من أيام العمل فيهن أفضل من هذه العشرـ قالوا: يا رسول الله، الجهاد في سبيل الله؟ فأكبره. فقال: ولا الجهاد إلا أن يخرج رجل بنفسه وماله في سبيل الله، ثم تكون مهجة نفسه فيه) [رواه أحمد وحسن إسناده الألباني

Acmaasha ugu fiican laqabto maalmahan waxaa kamid

1- in laguto xajka iyo cumarada maalmahan gudahooda

2- soonka in labadiyo

3-salaadaha in lagu dadaalo waqtigooda iyo jamaacadaba.

4- in labadiyo Takbiirta Taxmiida Tahliisha iyo Dikriga Alle oo dhan.

Nabigeena waxa uu yiri Sallalahu Calayhi Wasallam:

عن ابن عمر رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر، فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد) [رواه أحمد

5- Sadaqada in labadiyo, Nabigeena waxa uu yiri

قال صلى الله عليه وسلم (ما نقصت صدقة من مال) [رواه مسلم

6- Quraanka in la aqriyo.

7-Istigfaarta in labadiyo.

8-Waalidka in loo baari sameeyo.

9-Qaraabada in laxiriiriyo.

10-Salaanta in labadiy.

11-Ducada in aad loo badiyo iyo waxyaabo badan oo aynaan halkan kusoo koobi karin.

Afeef: waxaan katagay inaan aayadaha Quraanka iyo Axaadiista ku bedelo afsoomali, waxaana sidaa u yeeley in dadku inta badan ay yaqaanaan axaadiistaas iyo aayadahuba.

W/Q Xudeyfa Raage

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online