Mu’addin Wardi Saalax oo xalay lagu dilay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

September 30, 2014 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Waxaa allaha u naxaiistee xalay lagu dilay Xaafadda  Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Wardi Saalax oo mu’adin ka ahaa mid ka mid ah masaajida magaalada xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaal isla xaafadda Howl wadaag. Allaha u naxariistee Wardi Saalax  ayaa waxaa dilay ragg ku hubaysan bistoolado ka dibna goobtii ay ku dileen ka baxsaday, ilaa hadda lama garanayo gacan ku dhiiglayashaa sababta ay u dileen Wardi Saalax.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka magaalada Beledweyne waxaan ay bilaabeen howl galo ay ku raadinayaan cid fulisay dilka Allaha u naxariistee Wardi Saalax oo dadka reer Beledweyne ay aad uga naxeen.

Dilka Wardi Saalax  ayaa waxaa ku soo beegmayaa ka dib markii Isla magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag  lagu dilay labo maalin ka hor Guddoomiyihii deegaanka Buq-goosaar  Aadan Maxameded Aadan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online