Muxaadaraad ay culimadu ka jeediyeen Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe.[Cod/Masawiro]

September 12, 2014 - Written by Editor

DSC01383Garoowe:-Waxaa xalay ka bilaabatay  masjidka Al Raxma magaladda Garowe  ee Caasimada Puntland  Xamla dacawi ah oo ay ka soo qayb galeen  Culimo Soomaliyeed oo lagu bartay laguna yaqaan fidinta dacwada allah  iyo u gargaarida  Sunada  waxaana Culimadaan hogaaminayay  Sh.Axmed Cabdi Samad  waxaa sidoo kale ka mid ah Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Waxaa  isna xamladaan dacawiga ah ka soo qayb galay Sh.Cabdi Qani Qorane oo isna  dhawaan dalka dibadiisa safar caafimaad kaga yimid.

Waxaana xalay saddexdaan Sheekh ay soo jeediyeen muxaadaraat aad loo gu diirsaday  muxaadaraadkaan ayaa imaanaya xil dadku ay aad ugu baah naayeen mowduucayadii ay culimadaani kahdashay waxaana darsiga qayb tiisii hore galay Sh Axmed Cabdi samad Sheekha aya aaad ugu dheeraaday mowduucii uu ku qornaa o ahaa  Towxiidka iyo asabaaha lagadoonaayo qofku in uu uqabsado waxaana sheekhu ku cabiray in towxiidku yahay waxa ugu muhiim san ee ladoo nayo qofku in uu iska saxo  haduu ka khaldamo qofa waxaa uu mutaysanayaa cadaab iyo ciqaab waxaana laynaka doonayaa in aan iskasaxno towxiid ka islamarkaana  qofku uusan ku cabirin fikir ee uu ku qaato Dariiqii Nabigeena .

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma  Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/j8bqx55be6/Sh.Axmed_Csamad.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Waxaana wadataas kuu  balan qaadaysaa badbaadada labada  daarood ayuu yiri sheekhu  waxaana  ugudanbayn tii sheekhu ugu baaqay  dadweynaha in ay Towxiidka Iska saxaan odaybaa yiri iyo waa ahaan jirtay midna aan laga dhigan  wado .

Waxaa darsiga qaybtii kuxigtay galay  Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Oo isna ku qornaa Barahada Cilmiga iyo Fadligiisa waxaana sheeku sheegay in qofku uusan nolol sax ah noolaan karin cilmi la,aan waxaana si dhab ah luugu baahan yahay in labarto cilmiga sharcigaa kaas oo ah kan ku badbaadinaya  qofkaan maantay wax baranna bari waxaa uu la togo aakhiro waxay noqonaysaan ceeb iyo caaryaad  Sheekha ayaa ku daray in uusan qofna heli karin maantay  cududaar  ah ma helin wax wax ibara ee cilmigii maantay yaal meel walba qofkii doonaya in uu barto uu si sahlan ku helayo .

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma  Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu Xassaan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/46oixnspvb/Sh.xasan_maxamed_abuuxasaan_.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

no images were found

Waxaa xalay soo khatimay  Xamladaan dacawigaa oo socon doonta sadex habeen Sh Cabdi Qani Qorane  Waxaana Sheekhu Qaadaadhigay  Ciwaanka Ah Walaal tinimad  islamaka waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday in lagadoonayo muslimiinta in xaqa laysku kaashado  oo aan xaaraanta  iyo xumaanta aan laysku kaashan sidii eebe sheegay waxaana  sheekhu qiray in aysan muslimiintu kalmudnayn in dhiigooda ladaadiyo laguna banaysto ee baayiri di loo been ah waxaana mudan in dhinac looga sooo wada jeesto wixii khaldan islamarkaana ladhowro  xuquuqda  muslimiintu isku lee yihiin.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma  Sh Cabdi Qani Qorane

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/myoovcfsoc/Sh.Cabdi_Qani_Qorane_Muxamed.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online