Muxaadaraadkii ka socday Masjidka Al-raxma ee Garoowe oo galay habeenkii 2aad.[Masawiro]

September 12, 2014 - Written by Editor

DSC01469Garoowe:-Waxaa habeenkii 2aad gashay muxaadaraadkii xiriirka ahaa e ka socday masjidka Al-raxma magaalada Garoowe caasimada  Puntland waxaana caawa  Muxaadarada qaybteedii kowaad  soo jeedshay Sheekh Axmed Maxamed Dabiixi waxaana sheekhu aad u faahfaahiyay arkaanta islaamka waxaana uu aad ugu dheeraaday rukniga Salaada oo sheekhu sheegay in uu mudan yahay intii qofku wax uu san u hubin ku cibaaday san lahaa in uu iska saxo salaada iyo Arkaan teeda. Waxaa sidoo kale sheekhu qaadaa dhigay rukniga Sakada waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay bixiso Sakada isla markaana la siiyo  cidii Eebe u jideeyay.

Waxaa qaybta labaad caawa soo jeedshay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf  isagoo Sheekhu uu ka hadlay saddex mowduuc oo muhiim ahaa kuwaas oo in badan bulshadu ku halaagsan tay waxayna kala ahaayeen:-

1. Tahriibta

2. Noocyada darooga da

3. Xurmada uu leeyahay dhiiga muslimiintu.

Waxaa sheekhu caawa soo bandhigay muxaadaro aad u qiimo badan waxaana uu si xikmadaysan u kaladhigay saddexda mowduuc ee kor ku xusan waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday mukhaadaraadka qay bihiisa kala duwan haba ugu darnaadee qaadku dhibaatada uu bulshada ku hayo.

Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo bilihii lasoo dhaafayba aad ugu olalay nayay dabar goynta mukhaadaraadka ayaa caawa muxaadaradiisa kaga faa iidaystay baaq uu u diray umada soomalaiyeed sidii layskaga kaashan lahaa siddii loo dabar goyn lahaa dhamaan mukhaadaraadka gaar ahaan qaadka.

Intaas ka dib sheekhu waxaa uu ka digay Tahriibta oo in dhawaale ba fara kulul ku haysay bulshaad gaar ahaan sheekhu waxaa uu kala taliyay dhalinyarada in aysan naftooda halaagin
Dhanka kale waxaa sheekhu ka digay fikirka qoloocan ee gaalaysiinta kaas oo bulshada dhiigeeda iyo maalkeeda lagu banaysanayo.

Intaas ka dib waxaa la gudagalay qaybtii saddexaad waxaana ku qornaa Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana sheekhu soo bandhigay saddexda mowduuc oo kala ah Xijaabka  Iyo guurka iyo  mowduucyo ku saabsan arrimaha Bulshada waxaana sheekhu  gabdha iyo wiilashaba ugu baaqay in aysan midna ka tegin Astturaada gaar ahaan dumarku waa ku waajib in ay xirtaan xijaab qariyaana jirkooda waxaanauu ugu  baaqay dhalin yadaradu in ay guursadaan si loo bato waxaana sheekhu tusaale usoo qaatay Falastii waxay ku badbaaday waa guurka badan waxaana uu yiri waxaa dagaalkii dhawaa laga dilay 1000 qof waxaana isla mudadaas u dhashay in kabadan  3000 oo ilmood.

no images were found

Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online