Nairobi oo lagu soo bandhigay laba buug oo arrimaha bulshada ka hadlaya [Masawiro]

September 29, 2014 - Written by Editor

Muuqaalka-COVER-final_page_11Nairobi:-Hoolalka shirarka ee Islii Mool magaalada Nairobi, ayaa waxaa maanta lagu daah-furay laba buug oo uu soo ban-dhigay qoraa Maxamed Nuur Shire, waxayna labada buug ka hadlayaan arrimaha bulshada.

Buugga koowaad ayaa waxaa lagu magacaabaa: Shaki iyo Shallaay, wuxuuna qoraagu sheegay in qoridda buuggan uu bilaabay horraantii sanadkii 2011-kii, wuxuuna buuggu ka hadlayaa sheekooyin hore iyo kuwa casri ah.

Buugga labaad ee uu qoraagu galabta soo ban-dhigay ayaa waxaa lagu magacaabaa: Muuqaallada Xiriirka, wuxuuna ka hadlayaa habka loo hagaajin karo xiriirka bulshada, loogana fogaan karo wixii dhaawici kara.

Marti-sharaftii ka soo qeyb gashay daah-furka labada buug ayaa ka hadlay qiimaha ay leeyihiin qoraalka iyo akhrinta afka Soomaaliga ee ay buugtu ku qoran yihiin, waxaana ka mid ahaa marti shatafta:-

no images were found

Dr. Ibraahim Bursaliid oo bare ka ah  Nairobi universaty.

Prof. Cabdi-daahir oo bare ka ahaa jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed.

Qoraa Daahir Faarax Deyr oo agaasime ka ahaa xaruntii cilmi baariska dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed xilligii dowladdii kacaanka.

Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa Agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada ee Puntland.

Dr. Cabdulqaadir Maxamed Nuux oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha magaalada Nairobi.

Sidoo kale ka soo qeyb galaasha kale ayaa madasha ka hadlay, iyagoo dhammaantoof isku raacay faa’iidada ay leedahay wax akhrinta iyo in bulshada wax lagu soo beeriyo.

Koox dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Tayo ayaa madasha ku soo bandhigay barnaamij masraxiyadeed aad loo jecleystay kaasoo fariinta uu dirayey ahayd, isku dhirri-gelinta wax akhriska iyo nuxurka ay buugtu xambaarsan yihiin.

Ugu dambeyntii munaasabadda ayaa ku soo dhamaatay jawi qurux badan, iyadoo markii dambe loo dareeray in buugta la gato intii ay u suura gali kartay.

Xigasho Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online