Puntland oo ka hadashay eedeyntii afhayeenka baarlamanka DFS (Daawo)

September 14, 2014 - Written by Editor

in-guranWasiirka warfaafinta ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran ayaa markii ugu horeysay ka hadlay eedeyn ka soo yeertay Af hayeenka baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari. Gudoomiyaha baarlamanka dowlada federaalka Soomaaliya  Prof. Maxamed Sheikh Cismaan ayaa ku eedeeyey madaxda Puntland in dadka ka soo jeeda Bay & Bakool lagu dhibaateeyo deegaanada Puntland.
Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran ayaa sheegay in shacabka ka soo jeeda Bay iyo Bakool ay si xoriyada ah uga ganacsadaan wax dhib ahna aysan ku qabin deegaanada Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay tahay hoyga Soomaaliyeed muwaadin kasta uu wax ku leeyahay Puntland.

Ugu dambayntii wasiirka warfaafinta Puntland Dr. Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran Jecal ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka fogaadaan isku-dirka shacaba Soomaaliyeed  wuxuuna sheegay in ay ka xumaadeen hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Baarlamaanka DFS ayna sugayaan in Mr Jawaari uu cadeeyo meesha uu ka keenay eedeynta uu u jeediyey Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in saxaafada ay si xun u isticmaashay hadal uu jeediyey 2013 oo ay howlgalo lagu sugayo amaanka ay socdeen wuxuuna sheegay in Puntland ay xaq u leedahay sugida amaanka deegaanadeeda.

Saxaafadda Soomaalida ayaa ilaa shalay soo bandhigayey muuqaal uu leeyahay gudoomiyaha baarlamaanka DFS isaga oo eedeyn u jeedinaya dowladda Puntland isaga oo ku eedeeyey in ay dhibaato u geysteen ganacsatada ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool.

Hoos ka Daawo Dr. Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran Wasiirka warfaafinta Puntland

A/Cawale
Halgan.net
Muqaalka Horseedmedia

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online