QM, IGAD iyo Ururka Midowga Yuruboo soo dhaweeyey heshiiska Kismaayo

September 1, 2014 - Written by Editor

Dekedda-KismaayoMuqdisho, 31 Agosto 2014 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Yurub ayaa soo wada dhoweeyay heshiiskii uu galay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale, heshiiskaas oo uu uga qeyb gelaayo geedi socodka dib u heshiisiinta iyo ogolaanshaha ay ogolaadeen qaar kamid ah ciidamadiisa aan caadiga ahayn  in la baaro kadibna ay oogu suurto gasho in ay kamid noqdaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayagoo kaalmo ka helaayo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskaan ka dhex dhacay Korneel Barre Hiiraale iyo Maamulka Kumeelgaarka Jubba, heshiiskaas oo ay dhexdhexaadisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabad-sameynta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya.

Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu qabsoomo usbuucyada soo socdo, sidoo kalane waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseeyso in ay la xariiraan dadka ay arrimaha khuseeyaan oo dhan, loolana xariiro dadkaasi si wax-dhisid iyo dib u heshiisiin ku dheehantahay.

Waana in la xaqiijiyo sidii lagu dhowri lahaa dhamaan masaalixda iyo danaha umadahaas oo dhan (dadka ku nool Jubbooyinka). Saaxiibada Soomaaliya  ee kasocdo Caalamka waxaa ka go’an in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan habka nabad sameynta iyo qaran dhisidda umadda Soomaaliyeed”.

Dhamaad.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online