Ra’iisul wasaaraha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.[Masawiro]

September 24, 2014 - Written by Editor

unnamed-18Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ka dib markii uu safar shaqo ku tegay waddamada Britain iyo Norway. Xubno ka tirsan golayaasha dawladda, saraakiil dawladeed, ururada bulshada rayidka ah iyo dadweynaha gobolka Banaadir ayaa Ra’iisul Wasaaraha si weyn ugu soo dhoweeyey gegada diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa 18-kii bishan magaalada London uga qaybgalay shir muhiim ahaa oo lagu taageerayey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxana sidoo kale uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan Dowladda Britain, daneeyayaasha Soomaaliya iyo dhinacyo kale. Mudane Cabdiweli ayaa hadal ka jeediyey xarunta daraasaadka ee Chatham House, waxana nuxurka khudbaddiisu ku saabsanayd ka-warramidda qaabaynta hay’adaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib xilligii ku-meelgaarka. Gabagabadii safarkiisa Britain ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan is-waraysi ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dhul-weynaha Britain.

Ka dib Safarkii Britain, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu booqashoku tegay dalka Norway, isagoo halkaasi kula kulmay madax sare oo ka tirsan waddankaasi, waxana labada dhinac ka wada hadleen arrimaha horumarinta iyo danaha ka dhexeeya labada qaran.Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Norway oo ay kulan xog-isdhaafsi ah wada yeesheen.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii uu maanta dalka dib ugu soo noqday waxa uu warbaahinta kula hadlay qaybta dadka muhiimka ah ee madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho, waxana uu yiri:

“Ka dib safar shaqo oo asbuuc qaatay waxaan si nabad ah ugu soo noqonay dalka. Ugu horreyn safarkayagu waxaa ugu muhiimsanaa shirkii magaalada London ee looga arrinsanayey xoojinta awoodda ciidankeenna oo ay ay ka soo baxday natiijo la taaban karo, waxana la isla gartay si ammanaka wax looga qabto in loo baahan yahay in la taageero ciidankeenna.

“Ammaanka Soomaaliya waxaa hanan kara ciidan Soomaaliyeed oo xirfad iyo awood leh, sidaa awgeed waxay beesha caalamku nala garatay in maanta la joogo xilligii ciidamadeena la taageeri lahaa. Balan-qaad wanaagsan ayaa shirkaasi ka soo baxay, waxana aan filaynaa in laga dhabayn doono ballantaasi.

“Waxaan sidoo kale safar ku tagnay Waddanka Norway oo ka mid ah waddamada daneeya Soomaaliya, runtiina wax badan inala qabta, waxaan wadaxaajood dheer la qaadanay madax sare oo dalkaasi ka tirsan. Wadahadaladii laba-geedoodka ahaa ee na dhexmarayna waxaa marka kowaad lagu xoojinayey xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay inaka taageeri karaan.

no images were found

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online