Ra’iisul Wasaaraha DFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmigham.[Masawiro]

September 17, 2014 - Written by Editor

P1050508Birmigham:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mudanayaal ka tirsan Soomaaliya  Soomaaliya Baarlamaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad balaaran oo ka dhacday magaaladda Birimingham ee dalka Britain oo jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo London u yimid ka qayb-galka  shir gaar ah oo diiradda lagu saarayo amniga iyo tayaynta ciidamadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay boqolaal Soomaali ah ayaa ka warbixiyay horumaradda ay dawladda Soomaaliya ku talaabsatay iyo dadaalka ay ugu jirto xoojinta amniga, xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, dhismaha Maamulada, hirgalinta nidaamka Federaalka, dib u heshiisiinta, suuragalinta in 2016 ay dhacdo doorasho. Waxaana uu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan dadaaladda socda.

“ Waxaan ugu baaqayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain in ay gacan ka gaystaan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya ee dawladdu ay ku howlan tahay kadib burburkii xooganaa ee dalka ka dhacay. Waxaa loo baahan yahay in aqoontiina iyo khibradiina aad uga faa’iidaysaan dalka Soomaaliya oo xiligan ay dawladdu ka wado dadaalo lagu hubinayo in mar kale dib loo soo celiyo sharftii Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta waxaa uu khudbad ka jeediyay xarunta Chatham House isagoo ka hadlay howlgaladda ka socda dalka ee kooxda Alshabaab looga xoraynayo goobaha ay wali kaga harsan yihiin dalka Soomaaliya.

no images were found

END
Waaxda Warfaafinta,
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
E: Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online