Ra’iisul wasaaraha oo Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho.[Masawirro]

September 29, 2014 - Written by Editor

DSCN0849Muqdisho:-Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Ra’isulwasaarha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada weeydiiyey su’aallo la xiriira wareejinta shirka Al-Beyraat ee dalka Turkiga lagu wareejiyey dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.  Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari waxaana xubno ka tirsan gudoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ay weeydiiyeen Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirka Dekedaha su’aallo la xiriiray sababta ay Xukuumaddu ugu wareejisay shirkaddan Dekedda ayadoo Baarlamaanku horey qaraar uga soo saaray, xuquuqda shaqaalaha muruq maalka ah iyo cida maamuleysa dhaqaalaha dekedda kasoo xarooda.

Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed oo su’aallaha jawaabahooda uu ku wehliyey Wasiirka Dekedaha ayaa ugu horeyn bixiyey cudur daar iyo raali gelin uu usoo jeediyey Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka waxaana uu xusay inaanay Xukuumaddu iska indha tirin qaraarkii uu Baarlamaanka horey uga soo saaray wareejinta Dekedda qorshahana uu ahaa in Guddiga joogtada lala soo socodsiiyo maadaama uu Baarlamaanku xernaa dhinaca kalena waxa uu si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aallihii la weeydiiyey.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo gebagebadii kulanka ka hadlay waxa uu ugu horeyn uga mahad celiyey Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirradiisa sida ay guddiga joogtada ah uga jawaabeen su’aallaha ay qabeen waxaana uu muujiyey wal walka uu Golaha Shacabka iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed ka qabo heshiisyada la xiriira maalgashiga ee lala saxiixanayo shirkadaha shisheeye, muhiimadda qaraarkii Baarlamaankana ay aheyd ilaalinta shuruucda dalka iyo ilaalinta xuquuqda muruq maalka dekedda ka shaqeeya taasi oo Baarlamaanka waajib ku ah.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xeray kulanka ayaa ugu horeyn ka hadlay in la ilaaliyo dhamaanba shuruucda kala gedisan ee dalka uu leeyahay waxaana uu xusay inuusan Golaha Shacabka u dul qaadan doonin bixinta hantida dalka guud ee ay Dowladdu leedahay oo aysan go’aankooda si gaar ah u qaadan karin mas’uuliyiinta xilalka loo dhiibay si taasi xal loogu helana la sameyn doono Maxkamad gaar uga shaqeysa.

Kulankan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu codsaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed inuu la kulmo guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka si uu ula socodsiiyo halka ay Xukuumadda marsiineyso dadaallada la xiriira Dekedda Muqdisho waxaana uu Ra’isulwasaaraha dhowaan hor imaan doonaa Golaha Shacabka si uu Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira arinta Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho iyo jah wareerka ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee lala galo shirkadaha shisheeye.

no images were found

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaank
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online