Raisulwasaaraha DFS oo gaaray Baydhabo furayna Shirkii dib-u-heshiisinta (Masawiro)

September 14, 2014 - Written by Editor

IMG_2048Baydhabo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa ka qeyb galay furitaanka shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 45 cisho ah isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose , waxana kasoo qeyb galay shirka xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolladan.

Ugu horayntii , Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Khaalid Cumar Cali oo kamid ah xubnaha guddiga farsamada  ayaa uga mahad celiyay qabsoomida shirka madaxda ugu sareysa dowladda, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen dhinacyadu  inuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay ka soo bixi donaan guulo la taaban karo.
Guddoomiyaha golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed, ayaa madasha shirka uga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay shirweynaha dib-u-heshiisiinta dadka dagan saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhammaan shacabka ku nool koonfur galbeed oo 23kii sanno ee la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin kala duwan.
“Waxaa maanta  sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo socon doono muddo 45 cisho ah, isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka kooban saddexdan gobol ee koonfur galbeed, waana shir leh muhiimad gaar ah mar hadii wax garadkii koonfur galbeed ay halkaan ku dhanyihiin, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni dhisida dadka wada dagan gobolladan.
“Ka xukuumad ahaan waxan diyaar u nahay inaan samayno dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa oo dadka gobolladan dagan ku gaari lahaayeen isfam u horseeda nabad kuwada noolaansho”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaamka Federaalisamka, heshiis ay gaaraan dadka gobollada saddexda ah ee koonfur galbeedna uu unoqonayo gogol dhig asaaska dhisidda maamul goboleedyada dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay  in hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshadu ay iscafiyaan oo ka heshiiyaan khilaafaadka dhexdooda ah.
“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan  qayb ka yahay  tallaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka gobolladan dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee gobolladan ka jiray, hadii aanaan isu muujin tanaasulaadna ma gaarisiin  karno horumar dadkeenna” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawari”

no images were found

Siyaasiyiin, odayaasha qabaa’ilka ee gobollada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose oo iyana hadal ka jeediyay madasha shirka ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada wada dega saddexdan gobol, islamarkaana lagu gaari doono heshiis dhameystiran oo fure u noqda khilaafaadkii mudada ka taagnaa dhinacyada siyaasada iyo dhaqanka ee saddexdan gobol.
—DHAMMAAD—
 
Ahmed-nuur Mohamed 
Waaxda Warfaafinta ee XRW 
Baydhabo, Somalia 
Tel: +252-6155-02546 
Email: media@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online