Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo xalay muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-hidaaya ee Nairobi.[Daawo]

September 1, 2014 - Written by Editor

mqdefaultNairobi:-Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo booqasho gaaban ku jooga magaalada Nairobi, ayaa xalay waxa uu masaajidka Al-Hidaaya ka jeediyey muxaadaro uu uga hadlay tilmaamaha lagama maarmaanka u ah qofka daaciga ah ee diinta ku baaqaya:-

1)  In qofku diin sheegidda ay ka tahay Illaah dartii.

Sheekha ayaa qodobkaan sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, isagoo xusay haddii tilmaantaas meesha laga waayo ayan waxba hagaageynin, wuxuuna intaas ku daray in qofka tilmaantaas leh ay jiraan waxyaabo lagu garan karo.

2) In qofka laga doonayo inuu cilmi u leeyahay diinta uu dadka ugu baaqayo.

Sheekha ayaa qodobkaan sidoo kale ku dheeraaday, wuxuuna carrabka ku dhajiyey iney lama huraan tahay in dadka diinta loo sheegayo iyo xaaladdooda uu daacigu daraaseeyo.
3)  In qofka daaciga ah uu leeyahay xikmad.

Qodobkan ayuu sheekhu sheegay inuu muhiim u yahay qofka dadka kheyrka u sheegaya, isagoo tusaalayaal wax badan lagu fahmayo dadkii dhageysanayey u sheegay.

4- In qofka daaciga ah uu adkeysi leeyahay.

Sh. Cabdinaasir ayaa sheegay in adkeysigu aad muhiim ugu yahay qofka daaciga ah, wuxuuna tusaalayaal cad-cad ka soo qaatay qur’aanka iyo sunnada.

Muxaadarada sheekha ayaa waxaa dhageysanayey dad-weyne badan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ah, iyadoo sidoo kale dad badan ay kala socdeen qalabka warbaahinta.

Hoos ka Daawo sifaatka laga doonayo daaciga Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online