Sh.Umal oo ka hadlay Buug uu qoray nin Soomaali ah ugana magacdaray Xadka Ridada Maxaa ka run ah[Daawo]

September 19, 2014 - Written by Editor

ridadaNairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa radiyey buug uu qoray nin Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil waxaana uu buugiisa u bixiyey (Xadka Ridada Maxaa ka run ah ) buuga ayaa si cad u inkiray Xadka Ridada waxaaba taas ka daran in uu ku xusay Kitaabkiisa in aysan jirin diin xaq ah. Buuga ninka qoray ayaa xambaarsan afkaar Cilmaani ah oo mustashriq ah waxaana buuga aad uu canbaareynayaa diinta Islaamka iyo culumadeeda. Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in uu buuggaan ilaa 54 page uu ka akhriyey wax ka badan 100 arrin oo diinta ka soo horjeedana uu ku arkay dibna uu uga hadli doona.

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa dib idinkaga soo gudbin doonta muxaadarada uu Sh Umal ka geli doono buuggaan iyo waxaa iyadan waxba ka jirin in culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ay joogeen goobtii lagu soo bandhigayey  sida ay faafiyeen qaar ka mid ah mareegaha taageera Al-Shabaab.

Muxaadaraadka ay culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi ay kaga hadli doonaan buugan iyo ninka qoray ayaan idiin soo gudbin doonaa inshalaah .

Hoos ka Daawo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlaya Buug uu qoray nin Soomali ah

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online