Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo socdaal dacwo ku tagay dalka Ugandha

September 5, 2014 - Written by Editor

shcabdinaasirKampala:-Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa booqosho dacawi ah ku soo gaadhay wadankan Uganda gaar ahaan magaala madaxda wadanka ee kampala.

Booqoshadan ayaa noqonaysa  tii ugu horaysay ee uu sheekhu  ku soo gaadho wadankan Uganda Sheekha ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe ee magaalada Kampala halkaas waxaa ku soo dhaweeyeen culimada Markazka Al-tawxiid kuwaa oo islamarkiiba dajiyey hoygii loogu talagalay sheekh C/naasir Xaaji Axmed.

Sheikh cabdinaasir ayaa islamaalinkiiba bilaabay kulamo dacawi ah uu laqaatay madaxda dacwada ee Markazka Al- tawxiid kuwaa oo u tandiimiyay silsilad muxaadaraad ah.

Habeenimadii khamiista  ayuu bilaabay muxaadaradiisii ugu horaysay taa oo ay cinwaankeedu ahaa (ASBAABTA CABSIDA ALLAAH ) sheekha ayaa si wacan ugaga hadlay mawduucaa taa oo dad badan uu soo jiitay isla habeennimadii xigtay ee jimcihi ayuu galay muxaadaro 2aad taa oo  ahayd cinwaankeedu ( AMMAANADA ) iyana  sheekhu  aad ayuu ugu xeldheeraaday faahfaahinteeda iyo waxa ay tahay amaanada  iyadoo caawa oo habeen sabti ah uu galay muxaadaro Sheikh Sacad Maxamed abuu bakar  taa oo ay cinwaankeedu ahayd  ( XAQIIQADA TAWXIIDKA ).

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed ayaa maanta waxaa uu sidoo kale jeediyey muxaadaro u gaadh ah dumarka soomaaliyeed ee wadankan Uganda iyadoo lafilayyo in uu sheikhu caawa oo axad ah in uu qabto barnaamij su,aalo diini ah lagu waydiinayo taas oo ay ka faa,ideysan doonaan dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala
Sikastaba ha ahaatee aragtida soomaalida reer kampala ee ku aadan booqoshada sheikh cabdinaasir aya ah mid dareen wanaagsan ku abuurtay iyadoo aad ka dheehan karto​.

Abdisamed Hassan Hersi
Halgen.net – kampala

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online