Sh.Maxamuud Ciise oo talooyin qiima badan u soo jeediyey Umada Soomaaliyeed

September 18, 2014 - Written by Editor

shmaxamuud1Mecca:-Sh Mohamoud Ciise oo ka mid culimada Soomaaliyeed ee waawayn qeyb weyna ka soo qaatay faafinta Dacwaa Salafiya ee Soomaaliya waxaana Sheekha aad loogu xasuustaa Masjidkii Ceelhindi oo uu ka akhrin jiray Tafsiirka iyo axaadiista  ayaa maanta ka hadlay fadeexaddii beryahan haraysay warbaahinta Soomaaliyeed ee ay soo diyaarisay haya-dda HRW .

Sheekhu wuxuu ku tilmaamay in ay tahay wax laga murugoodo qalbiga qofka muslimka ahina ka gubto in cirdigii iyo karaamadii ummadu ay heerkaa gaartay gabdhihii Soomaaliyeed ee Muslim ka ahaa ay askar gaalo ah ku kufsadaad $5 ay ku sasabaan iyagoo jooga gayigoodii iyo dalkoodii hooyo waa wax aan qof damiirleh aqbali Karin waa wax aanay umadu ilaawi Karin waa arrin ay tahay in si fudud lagu moodin .

Warbixintu waxay muujisay qayb ka mid ah dhibka iyo musiibada ku habsatay umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna maatada (dumarka iyo caruurta) oo korkooda lagu hardamayey tan iyo intii dalka ay ka qarxeen dagaaladii sokeeye dabayaaqadii sideetanaadki.

Falalkan iyo xadgudubkan fooshaxun ayaa sida la sheegay wuxuu ka dhacay caasimada iyo hareeraheeda dawlada qaybaheeeda kala duwan waxaa ku adkaatay in ay muujiyaan tilaabooyin ay umadu ku qanci karto waana in aan la dhayalsanin taariikhduna ma ilaawi doonta falcelinta ay dawladdu arrinkaa ka qaado.

Colaadaha joogta ah, xalisooni la-aanta , qabyaaladda qaloocan ,dawlad la-aantii lagu so jiray wakhtiga dheer ayaa ah sababaha ugu waaway ee laga dhaxlay in umadda Soomaaliyeed ay heerkaa gaarto tacadiyadda iyo faraxumayta ay ciidamadda dalka joogaa gaysanayaa ayaa waxaa ka horeeyey dulmi badan oo ay Soomaalidu isu gaysatay waxaana laga bixinaaa.

In Alle loo tooban keeno lana ogaado musiibooyinkani iney yihiin dunuubtii la-galay Allahna la baryo diintana si dhab ah loogu dhaqmo.
(فَلَوْلَا كَانَتْ قَرْيَةٌ آمَنَتْ فَنَفَعَهَا إِيمَانُهَا إِلَّا قَوْمَ يُونُسَ لَمَّا آمَنُوا كَشَفْنَا عَنْهُمْ عَذَابَ الْخِزْيِ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَى حِين)
1-In la joojiyo dhamaan dagaalada socda, kuwa dawladda & AlShabaad, kuwa goboleysiga, kuwa qabiilka iwm wada hadal iyo isu tanaasulna lagu baadi doono arrimaha la isku khilaafsan yahay.
2-Dawladdu waa iney tilaabooyin adag oo umadu ku qanci karto ka qaado dhacdadan iyo kuwa lamid ka ah.
3-Al-Shabaad Waxaan ugu baaqayaa in ay ogolaadaan wadahalka si loo bad-baadiyo dalka, dadka iyo diita intaba una turaad maatada xaalkoodu halkaa gaarey.
4-In ummadu dhisato dawlad awood leh oo dadka iyo dalkaba daryeesha.
5-In sida ugu dhakhsaha badan looga maarmo ciidka Shisheeye
6-In Ummadu ay tuurto oo joojiso cudurka Qabyaallada ee madhaleyska ah laguna bedelo muslimnimo, iyo walaalnimo.
Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa hooyooyinka iyo gabdhaha Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa dhibaatooyinku soo gaareen waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta, hogaanka qabaa-ilka, culimada, aqoonyahanka, haweenka, dhaliyaradda, qurbajooga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan Ololaha la dagaalanka Qabyaaladda qaloocan oo guusha laga gaaraa ay lamid-tahay in la helo ummad walaalo ah awoodna u yeelatta iney maareeyaan duruufaha ku xeeran.

W/Q Sheekh Mohamoud Ciise
Makkah

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online