Shirkadaha Bixin Spare parts iyo Qudus Pharmacy oo adeeg cusub soo kordhiyey.[Masawiro]

September 15, 2014 - Written by Editor

CAM00039Garoowe:-Shirkadaha ganacsiga ee ka jira deegaanda Puntland ayaa  waxay iska kaashadeen in ay bulshada gaarsiiyaan  adeeg aad muhiim u ah kuwaas  wax tar muuqda  u  ah bulshada Nool iyo kuwa dhintay intuba. Labo Shirkadood ee kala ah Bixin Spare Parts iyo Qudus Pharmacy  ayaa waxaa ay iska kaashadeen adeegyo kala duwan kuwaas oo wax tar u ah bulshada ,labada shirkadood oo ka howl gala dalka Soomaaliya iyo caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ay diyaariyeen qalab  lagu aaso dadka markii ay dhintaan iyagoo bixiya si bilaash ah lacagta godka iyo dhagax loogu tala galay meydka [Iilka].

Labo Shirkadood ee Bixin Spare parts iyo Qudus Pharmacy  waxaa kale oo ay diyaariyaan layrarkii haddii goor habeen ah loo baahdo la if san lahaa iyo weliba Matoorkii oo uu u dhamaystiran yahay dhamaan adeegiisii haday tahay dhinaca shidaalka iyo gaarigii qaadi lahaa Meydka.

Waxaa kale oo ay diyaariyeen Bixin Spare Parts Iyo Qudus Pharmacy ay diyaariyaan Garweynadii iyo badeeladii  iyo waliba jirigaamadii biyaha lagu qaadi lahaa waxaana la oran karaa shaqadaani waa shaqo  ahayd in ay qabtaan dowladda dalka ka jirta balse waxaa ka ducaystay  bulshada  labadaan Shirkadood ee barkaysan.

Mar aan wax ka weydiinay mid ka mid ah ay mas uuliyiinta howshaan taabagaliyay oo lagu magacaabo Sh.Xaamid Cabdi Samatar waxaa uu noo sheegay in howshaan ay gaarsiin doonaan dhamaan gobollada puntland ay ka kooban tahay haddii Alle idmo.

no images were found

Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online