Suldaanka guud ee Beelaha Warsan gali oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe(Masawiro)

September 22, 2014 - Written by Editor

IMG_9114Garoowe:-Waxaa Maanta Si weyn Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland loogu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka Guud ee Beel weynta Warsangali .

Waftiga Suldaanka ayaa waxaa Magaalada Garoowe meel qiyaastii ujirta 22-Kiilo Mitir uga Hortagay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ,Wasiiro ,Xildhibaano, Maamulka Gobolka Nugaal, Waxgarad, Cuqaal iyo Dadwayne kale kuwaasi oo si diiran usoo dhaweeyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan .

Soo dhaweyn ka dib ayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Cuqaashi iyo Nin Garboodki la socday loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si Wanaagsan ugu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

”Farxad weyn ayay nootahay In Suldaan Siciid uu Maanta igu soo booqdo xafiiskayga isaga iyo waftiga balaaran ee uu hogaaminayo, ma aanan kala maqnayn ee waan wada joognay qalbigayaga iyo niyadayaduna waa wada joogeen ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

”Suldaan Soo dhawoow Garoowe gurigaagi weeye, Madaxda shacabka iyo Saraakiisha Gobolkuba way ku soo dhawaynayaan ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

”’Waftiga na soo dhaweysay oo uu Madaxwaynuhuna Hogaaminayo aad baan uga mahadnaqaya sida wanagsan ee ay noo soo dhaweeyen ”Sidaasi waxaa yiri Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire Garaad Cawl.

no images were found

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay inay ajiibeen oo soo dhaweynayaan shirweynihii Beelaha Puntland ee madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwli Maxamed cali Gaas uu ku baaqay horaantii sanadkan.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa dhawaan Magaalada Xingalool uga qayb galay Shirwaynihii Dhaqan Guuleed 2 ee Beelweynta Warsangali, shirkaasi oo lasoo gebagebeeyey todobaadkii lasoo dhaafay.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online