Taliyaha ciidanka DFS oo kula kulmay Muqdisho Taliyaha Ciidamada Uganda

September 5, 2014 - Written by Editor

Indha-qarshe4Muqdisho:-Taliyaha ciidanka DFS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho,

Kulanka dhexmaray labada taliye ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM .

Taliyaha ciidanka DFS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ugu mahadceliyay taliyaha ciidanka Uganda Jen. Katubo Wamala oo booqashada ku yimid Muqdisho, isaga oo sheegay in labada dal ay yihiin saxiibo ayna ka dhexeyso arimo badan.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala oo la hadlay saxaafada ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaato kala duwan balse ay haatan u muuqato mid ka soo kabaneyso.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala ayaa sheegay in dowlada Ugandha ay garab taagan tahay DFS wuxuuna soo dhaweeyey guulaha ay gaareen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka Ugandha ayaa waxay ka mid yihiin ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee yimid dalka sannadkii 2007-dii.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online