Ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Xabsiga Jilacow.[Dhagayso]

September 1, 2014 - Written by Editor

calijabalMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay ka hadleen  weerarkii ay ku qaadeen xarunta nabadsugida  gaar ahaan xabsiga weyn ee Jilacow waxaa ay sheegeen in ay howl galkooda ay ka gaareen guul ay na weerarka ku dileen Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Nabadsugida dowladda federaalka Soomaaliya. Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh .Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa sheegay in weerarkii shalay ee Godka Jilacow ay igu fuliyeen howlgalka ka dib markii ay ogaadeen in Xabsiga Jilacow lagu jir dilo dadka muslimiinta uuna Alle u fududeeyey u jeedkooda ayna dileen ilaa 15 qof oo iskugu jira Saraakiil iyo ciidanka nabadsugida.

Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa xusay in Xabsiga Jilacow uu weligiis ahaa meel lagu dhibaateeyo dadka muslimiinta oo cadaab lagu marsiiyo oo dadka lagu dhajiyo koronto, cidiyahana laga siibo dadka.

Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa ku goodiyey in ay sii wadi doonaa weerar ay ku qaadayaan xarumaha Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqy dadweynaha Muqdisho in ay ururka Al-shabaab la shaqeeyaan waxaan uu uga digay kuwa la shaqeeya Dowladda federaalka Soomaaliya haddii aysan ka waantoobina ay ciqaab marsiin doonaa.

Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal)  ayaa shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyey weerarkii ay ciidamadoodu la beegsadeen Xabsiga Jilacow iyo weerarada kale ee ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id Sh.Cali Max’med Xuseen Cali Jabal  uu qabtay

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/iej9qctxh2/calijabal.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online