Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo gaaray Kismaayo

September 1, 2014 - Written by Editor

Dekedda-KismaayoKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Wafdi ka socdo dowladda Turkiga  waxaan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba. Wafdiga dowladda Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee maamulka Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere iyo xubno ka tiran golaha wasiiradda ee maamulka Jubba.

Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee maamulka Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere ayaa soo dhaweyey imaanshaha  wafdiga dowladda Turkiga  ee Kismaayo waxaan uu sheegay in ay muhiim tahay in bulshada degan Jubooyinka ay hellaan deeqo waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda Turkiga ay ka wadaan Gobollada dalka Soomaaliya.

Axmed Gokcek oo ka mid ahaa wafdiga dowladda Turkiga ee tegay Kismaayo ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Kismaayo ayna diyaar u yihiin in ay taageero u fidiyaan dad weynaha Soomaaliyeed ee nool soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubooyinka oo ay maanta soo gaareen.

M_M_Deeq
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online