Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo oo soo gaaray Kismaayo

September 16, 2014 - Written by Editor

diyaaradKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo , wafdiga gudoomiyaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu saraysa ee maamulka KMG ee Jubba. Waxaa sidoo kale oo magaalada Kismaayo soo gaaray dhawaan wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare, Odayaal dhaqan , siyaasiyiin  iyo wax garad ka kala yimid gobolladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Weli waxaa madaxda ugu saraysa ee maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Kismaayo si ay ugu soo dhaweeyaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo hadda ka soo duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War hadda na soo gaaray ayaa sheegay in diyaaradii siday Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ay  soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaan si weyn u soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada  iyo dadweyne aad u fara badan oo ka qayb galay soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wixii soo kordha kala soco  Halgan,net

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online