Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland oo kormeeray xarumaha wasaarada ee ku yaal Boosaaso.[Masawiro]

September 17, 2014 - Written by Editor

17Boosaaso:-Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa maanta oo arbaco ah kormeer shaqo ku sameeyey Xafiiska Cashuuraha beriga, Xafiisyada Wasaarada iyo Dekedda weyn ee magaaladda Boosaaso. Ujeedka kormeerka shaqo ee Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa ahaa sidii Xog waraysi ula yeelan lahaa Madaxda Wasaaradda,shaqaalaha iyo dardargelinta hawlaha Cashuuraha Beriga oo la doonayo in laga bilaabo magaaladda.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo kormeerkiisa ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn ka hadlay Cashuuraha Beriga,wuxuuna sheegay in Caasimada Garoowe ay Wasaaradu shaqo fiican ka qabatay dhanka Cashuuraha korna loo qaaday. Wuxuu xusay Mudane Shire Xaaji Faarax iney wadaan qorshe ah sidii magaaladda ganacsiga Puntland ee Boosaaso looga hirgelin lahaa Cashuuraha Beriga si loo gaaro horumar iyo kobac dhaqaale oo bulshada Puntland ku diirsato.

……..”””Cashuuraha beriga wax badan baa nooga qabsoomay Caasimada Puntland magaaladda Garoowe oo runtii Cashuuraadku aad u kaceen ,shaqo fiicana ay ka qabatay Wasaarada Maaliyadu iyo runtii sida dadka reer Garoowe magaalada Caasimada ah noola shaqeeyeen…..””ayuu yiri. Sidoo kale Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin maadaama Boosaaso ay tahay magaaladii ganacsiga Puntland in sidii Garoowe ay Cashuurtu u kacday iyadana u kici doonto ,wax badana ka qabsoomi doonaan dhaqaalaha Puntland ayna wax kusoo kordhin doonto.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa tilmaamay in bilaha soo socda ay wax badan iska bedeli doonaan dhaqaalaha Puntland taasina in la gaaro ay ka qabaan rajo fiican.
Dhanka bixinta Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda ayuu sheegay Mudane Shire Xaaji Faarax iney Wasaaradu si joogto ah u bixiso isla markaana ay muhiimada gaar ah siiso Wasaaradu dhanka Ciidamada maadaama ay yihiin difaacayaasha Puntland.

……”’Dad badan waxa laga yaabaa iney yiraahdaan Mushaahro lama bixiyo iyo marar badan dacaayada suuqa aan ka maqalno wax ka jira taas majiraan runtii Wasaaradu wey bixisaa Mushaarooyinka dabcan wey jiri doontaa awlawiyaat sida Nabadgelyada oo kale ,Ciidamada amniga sugaya intaba Mushaaradooda iyo adeegooda iyo weliba raashin qaataan waa la siiyaa…….””ayuu yiri.
Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay bulshada qeybahooda kala duwan,ganacsatada iyo Wasaaradaha kale ee Dowladda iney kala shaqeeyaan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha si himilada la higsanayo lagu gaari lahaa.

no images were found

Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Xafiiska Boosaaso
mofpuntland@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online