Xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo degan

September 27, 2014 - Written by Editor

GaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan  waxaana si habsami leh u socota howl maalmeedkii caadiga ahaa garoonka Diyaradaha ee Cabdullahi Yusuf Axmed ee magaalada  Gaalkacyo iyada oo ay ku sugan yihiin Rakaab kala duwan kuwaas oo u kala safraya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa waxaa ka soo degay maanta labo Diyaradood oo ay leedahay shirka Freedom Air .  Shirkada Diyaaradaha ee Freedom Air ayaa noqonaysa Shirkadii ugu horeysay ee Rakaab ku soo dajisa kana qaada Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullahi Yusuf Axmed ka dib baaqii uu soo jeediyey Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray khilaafka soo kala dhexgalay Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaan uu ugu baaqay in la joojiyo wax walba oo colaad ka abuuri kara gobalka Mudug waxaana uu warsaxaafadeedka Raisulwasaare Cabdiweli u qornaa sidan:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka duullimaadyada diyaaradaha ee Garoomada Gaalkacayo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka degaanka. Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddi wasiirro ah uu u xilsaaray inay ka hawlgalaan khilaafka Gaalkacyo, waxana guddigaasi uu xiriir la samaynayaa madaxda labada dhinac si loo debciyo xiisadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirrigeliyey in si nabad ah loo soo afjaro muranka ka dhashay xayiraadda duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aaddan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;
2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;
3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;
4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;
5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online