Xaflad tababar oo lagu soo Afmeeray xarunta Jaamacadda Imam (Masawiro)

September 29, 2014 - Written by Editor

DSC02864Muqdisho:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda IMAM ee magaalada Muqdisho, xafladan ayaa lagu soo xirayay siminaar ku saabsanaa tababarka tababarayaasha ( Training of Trainers), siminaarkan oo muddo 16 maalin ka socday xarunta jaamacadda IMAM (16-31/9/2014) ayaa waxaa iska kaashaday xarunta daraasadka & cilmibaarista (EASMEC) oo raacsan jaamacadda iyo Midowga Tababarayaasha Soomaaliyeed.

Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen , aqoonyahan, dhalinyaro, arday, waxaa kalimado ka jeediyay guddoomiyaha jaamacadda IMAM, DR Hassan Sh Cabdulqaadir , ku xigeenka guddomiyaha Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe, madaxa ururka midowga tababarayaasha , C/weli xasan C/laahi & martisharaf ka soo qeyb gasahay xafladda oo uu ka mid ahaa : madaxa tacliinta sare ee jaamacadda Bariga Afrika, C/fataax Maxamed Cali (Qandala) & qoraaga Soomaaliyeed Ustaad Anwar Mayow

Dowradan ayaa noqoneysa kuwa ugu horeeya ee nooceeda ah ee lagu qabto gudaha Soomaaliya, maaxa yeelay waxaa bareyaal ka ahaa macalimiin khibrad u leh tababarka tabababrayaaasha , waxaana ardayda markay dhameystaan bixinayay shahaadada lunabo xar oo caan ku ah tababarada horumarinta biniaadamka oo kala ah :

no images were found


1-Xarunta tabarada ee Kanada ee uu aasaasay Dr Ibrahiim Al fiqi.
2-Xarunta (صناع القرار) ee Yemen ku taala ee uu leeyahay DR Hudaifa Al Cumaqi

Gebgebadii xafladda ayaa waxaa ardaydii dhameysatay dowrada oo 20 arday ahayd la guddoonsiiyay shahaadooyin & CD ay ku jiraan casharo kala duwan .

Musasat Al-Safa
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online