Xafladii Qalin jabinta Dufcadii 7aad ee ka baxday Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo.(Masawiro)

September 12, 2014 - Written by Editor

Dufcada 7aad (18)Gaalkacyo:- Xafladaani oo ahayd mid siwayn loosoo agaasimay ayna kasoo qayb galeen Culimado , Waxgarad , Ganacsato , Maamulka Degmada Gaalkacyo , Gudoonka Waxbarashada Gaalkacyo ,Jaaliyada Tanzaaniya , Maamulka, Macaalimiinta, Waalidiinta iyo Ardayda Machadka ayaa waxaa Shahaadooyin iyo Abaalmarino lagu gudoonsiinayay Dufcada 7aad ee kabaxda Machadka oo ka kooban 36 Arday iyo Ardayad.

Waxaa kale oo Abaalmarino qiima badanna la siiyay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2013-2014 , iyo ardayda ugu Akhlaaqda Wanaagsan Fasalada Machadka.

Xaflada ayaa waxaa lagu furfuray Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah waxaana intaasi kadib Kalmad Baraarujin ah oo ku saabsan Cilmiga Madashada kasoo jeediyay Sh.Xuseen Cigaal Caanshuur waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay Cilmiga barashadiisa sii wadaan ilaa ay ka gaarayaan Heerka (Muthaqaf) oo ah kan ugu sareeya Heerarka Aqoonta isla markaasna haysta furayaasha Cilmiga oo dhan.

Maamulaha Machadka Sh.Cilmi Yuusuf Axmed oo isaguna Xaflada hadal kasoo jeediyay ayaa waxaa uu ka warbixiyay Machadka Al-Faaruuq oo uu sheegay in la aasaasay 2006 ujeedooyinkii loo aasaasayna ay kamid ahaayeen in lasoo saaro Qof Dadka diinta Islaamka gaarsiiya Aqoon durugsanna u leh Sharciga si Mustaqbalka uu Dalka diin iyo Akhlaaq suuban ugu hogaamiyo.

Maamulaha ayaa waxuu iftiimiyay Kaalinta Machadku uu Bulshada kaga jiro isaga oo tusaalayaal Dhawr oo muuqda soo qaatay , waxaana uu intaasi ku daray in Ardayda Machadku ay yihiin kuwo Xambaara Risaaladii Machadku uu waday oo dhamaystiran, isagoo sheegay inay Machadka Sharaf ugu filaaantahay inay Macalimiin ka yihiin Ardaydii horay uga baxday oo Jaamacadaha soo dhameeyay.

Dr.Aadam Muxamed Cigaal Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa waxaa uu balan qaaday in Ardayga ugu sareeya ay Waxbarasho lacag la’aan ah siinayaan , isagoo Ardayda kulada dardaarmay inay ku il qabowsadaan inay yihiin kuwii xanbaaray Diinta ilaahay oo aduunka wax lasoo dajiyo ugu khayr badan.

Ustaad Haashin binu Xasan binu Haashin oo kamida Macalimiinta Kuliyada Shareecada ayaa waxaa uu isaguna cabiray Dareenkiisa ku aadan Xaflada isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay maadaama Munaasabaadkaan Diinta lagu kor yeelayo ay hareenayso Malaaik , waxaana uu kula dardarmaay Ardayda inaysan intaasi ku kaaftoomin maadaama Machadku uu u bilaabay tilaabadii 1aad ee dhanka Tacliinta loogana baahanyahay inay sii wadaan Waxbarashada.

Waxaa iyaguna soo bandhigay Aqoontii ay Xanbaareen Aradaydii Qalin jabinaysay oo Luqada Carabiga Kalmad kusoo jeediyay , waxaa kale oo madasha ka hadlay C/razaaq C/laahi Daahir oo ku hadlay Magaca Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka , Faarax Bootaan Faarax oo ku hadlay afka Waalidka iyo Ganacsatada , Burhaan Sh.Xuseen oo ku hadlayay Magaca Jaaliyada Tanzaniya , Xaaji Muxamed Cabdi Faarax (Garweyne) Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo.

no images were found

Intaasi kadib waxaa laguda galay Qaybinta Shahaadooyinka iyo jaaizooyinka oo la siiyay Ardaydii Kaalmaha 1,2,3 ka galay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2013-2014 iyo Arday Akhlaaqda lagu Abaalmariyay , waxaana Maamulka Machadku uu balan qaaday in Ardaygii ugu sareeyay Machadka ee Muxamed C/qaadir Muxamed uu Lacag la’aan ku dhiganayo Machadka Halka Mr.Garweynana uu balan qaaday inay Jaamacada kabixinayaan marka uu Machadka dhameeyo.

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online