XAQIIQOOYINKA SAYNISEED EE ISLAAMKA (P 7): hydropolitikadii nebi Maxamed (csws)

September 8, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158The scientific truth of Islaam, part 7: the hydropolitics of profet Mohamed, csws)   W/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and Groundwater scientis

Hordhac

Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Run ahaantii,  wax walba oo farsamo ahaan xaqiiq u ah (technically true), ama xisaabin ahaan xaqiiq u ah (mathematically true), ama caqli ahaan xaqiiq u ah (logically true), ama adeegsi ahaan xaqiiq u ah (practically true), waxaa la yiraahdaa saynis. Islaamku si kastaba waa aqoon sayniseed, waayo wuxuu wax ka sheegaa dhacdo, wuxuu dhacdadaas ka sheegaa xaqiiq, xaqiiqdaasina marnaba ma beenowdo (ever truth). Islaamku wixii uu beeniyo wax rumayn kara ma jiraan, wixii uu xaqiijiyana wax baabi’in kara ma jiraan (powerful scientific truth). Haddii, haddaba, ay timaaddo tijaabo sayniseed aad loo rumaysto, hase yeeshee, aan waafaqsanayn Qur’aanka Kariimka, tijaabadaasi ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waxay ku jireysaa horumarin iyo odoros joogto ah. Qur’aanka Kariimka waa la waafaqaa, waayo waa assal ee isagu waxba ma waafoqo (the standard). Muxkamka (provable) iyo mutashaabaha (improvable) ee Quraanku midna uma dhigmo nooc kasta oo cilmi kale ah. Sidoo kale, Qur’aanka Kariimka waa la xigtaa ee isagu waxba ma soo xigto (the reference).

Haddaba, wuxuu qoraagu ka afeefanayaa:

a)             in wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;

b)             in uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda Aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada (the powerful scientific principals);

c)             in Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka.

Hydropolitic-kadii nebi Maxamed (csws)

Mabaadiii’da sayniseed ee Islaamka waxaa ka mid kan soo socda.

 

Waxay u badan tahay in webiga Furaat uu qallalo oo uu  ka koco buur dahab ah; qofkii goobjoog noqdaa yuusan waxba ka qaadan (Nebi Maxamed, csws, Tirmidi).

Xaddiiska rasuulku (csws) wuxuu si toos ah u tilmaamayaa:

  • in uu qallalidoono webiga Furaat;
  • in webiga ay ka hoosayso kayd aad u weyn oo uu rasuulku ku tilmaamay dahab;
  • in Furaat ama Mesopotamia uu ka dhicidoono dagaal aad u kharaar.

Sua’aalaha isweydiinta leh waxay yihiin:

1)      Ma qallalay webiga Furaat inta taariikhdu xusi karto, hadii uu qallalayna maxaa sababay in uu qallalo?

2)      Muxuu yahay dahabka nebigu ku sheegay dooxadan Mesopotamia?

3)      Muxuuse yahay dagaalka uu rasuulku sii tilmaamay in lagu halaagsamidoono?

Haddaba, qormada inteeda dambe waxaan mid mid uga jawaabeynaa su’aalaha sare si aan u xaqiijinno xaqnimada xadiiska iyo run-sheegga nebi Maxamed.

1)      Sida uu u sheegay nebi Maxamed (csws), webiga Furaat wuu qallalay, waxaana sababay markii ay Turkiya dhammaystirtay biyoxireenkii caanka ee Ataturk. Mashruucu wuxuu leexsaday dhamaan qulqulkii biyaha webiga Furaat, muddo bil ahna wax biyo ahi uma tegin dalalka Siiriya iyo Ciraq madaama la buuxinayey kaydka ama balliga biyoxireenka. Turkiya waxay kale oo hirgelisey mashruucii balaarnaa ee Anatolia Development Project oo ka koobnaa biyoxireenno aad u tiro badan oo qallajin kara dooxada oo idil. Arrintaasi waxay dareen gelisay dalalka Siiriya iyo Ciraaq, hase ahaatee, Turkiya way ku gacan sayrtay cabashada dalalkaas. Turkiya waxay cabashada dalalkaas kaga jawaabtey: “ma weydiisaneyno batroolkooda, haddaba, nama weydiisan karaan biyahayaga.” Waxay ahaataba, waxay Turkiya oggolaatay in ay biyaha Dajla iyo Furaat qayb ka mid ah u sii deyso dalalka deriska ah. Inkasta oo ay wadamada carabtu kalsooni iyo niyad wanaag ku qabaan dalka Turkiya, haddana xaaladdu markasta ayey is bedeli kartaa hadii aan biyaha si cadaalad ah loo qaybsan.

Dooxooyinka iyaguna qallalay sida dooxadan Mesopotamia waxaa ka mid ah dooxada ismaandhaafka ee Aral Sea (The Aral Sea valley). Waxay nasiibdarradu dhacday markii uu kala burburay Soviet Union, sannadkii 1991, waxaa la burburtay USSRCPA: The Aral Sea Plan, waayo waxaa la wada leexsaday webiyadii ku biyoshubi jirey harada, waxaana dooxada ka bilowday dhibaatooyin aad u qallafsan, una kala duwan noocyo ahaan ilaa ay ka qallasho. Waxaa kale oo xusid mudan harada caanka ee la yiraahdo Chad. Harada Chad oo balleceedu gaarey 25000 Km2 waxaa manta ka soo haray godin aad u yar, waxaana haradii ay ka bilaabatay xurguf siyaasadeed oo la xiriirta xuduudiddii dalalka Cameroon iyo Nigeria oo tirantay, maadaama ay labaduba lumiyeen xuduudii ay la lahaayeen harada, dadweynihii dooxaduna waxay ku soo guureen bankii bannaanaa ee ay ka kacday haradu. Waxaa kale oo xurgufta sii huriyey halkii la marsiin lahaa xuduud cusub. Xurguftii ka dhalatay xuduudaha harada Chad waxay gaartey maxkamadda caddaaladda ee caalamiga ah (International Court of Justice), waxayna maxkamaddu u xukuntay dhulweynahaas dalka Cameroon (Pearce, 2006). Waxaa arrimahan oo dhan sababay webiyada harada ku biyoshubi jirey oo la wada leexsaday;

2)      Sida uu u sheegay nebi Maxamed (csws), khayraadka Ciraaq waxaa ka mid ah dahabka iyo salfarta, waxaase webiga Furaat iyo dooxada Mesopotamia ka hooseeya wax aad uga wanaagsan dahabka laftiisa oo ah Petroleum ama Hydrocarbons iyo Natural Gas oo aad iyo aad u fara badan, soona hooya dakhli dhaqaale oo aad iyo aad u lixaad weyn;

3)      Sida uu rasuulku (csws) sii tilmaamay 1500 oo sano ka hor, khayraadka Ilaahey kumannaystay dooxadan Mesopotamia waxay sababtay in dunida oo dhammi u soo duulaan tagto si ay wax uga helaan khayraadka dooxadan. Dooxadani haba yaraatee uma baahna faragelin qalaad. Sidaas oo ay tahay, waxay dooxadani la ciiraysaa faragelin shisheeye oo aad u kala duwan. Faragelinta ay dooxadani qabto waxay isugu jirtaa ciriir siyaasadeed, cunaqabatayn dhaqaale iyo cudud milateri oo aad iyo aad uqallafsan. In muddo ah waxay dooxadani ahayd gole colaadeed oo la isu adeegsado farsamada ugu sarraysa ee milateri. Taasi waxay qaybo ka mid ah dooxada u bedeshey Jaxiimadii duniada oo haddana aan jixinjix lahayn. Dooxadani waxaa ka jira masiibooyinka ugu daran ee dunida maata jira ee lagu magacaabo isnacayb iyo isxasuuq beeeleed (hatred & ethnic cleansing). Waxaa dooxadan isugu darsantay dagaal dhexdooda ah (Kurdish vs Sunni, shica vs Sunni, Ciraaq vs Iraan) iyo mid ay dunidu ku hayso dooxadan, sidii uu sii tilmaamay nebi Maxamed (csws).

Sida aan kor ku soo aragnay, xadiiska nebi Maxamed waxaa ka muuqqda macluumaad aad u tiro badan una kala duwan. Haddaba, waxaan  isweydiiyey:

  • Nebi Maxamed ma wuxuu ahaa Hydropolitition daraasaad xeeldheer ku sameeyey dooxooyinka dunida? Siseebay ugu muuqatay nebi Maxamed dagaallada ka dhicidoona dunida 1500 sano ka dib, dagaalladaas oo ku salaysan kala boobka khayraadka dunida (sida lagu hayo xilligan Soomaaliya)? Waxaan kale oo aan isweydiiyey, sidee buu nebi Maxamed ku ogaadey tiro badnida khayraadka dooxada Mesopotamia iyo weynaanta lixaadka dagaalka ka dhicidoona?

Waxaa keliya oo su’aalahaas looga jawaabi kara, in la rumeeyo oo keliya, in uu nebigeennii heli jirey waxyi Ilaahey u waxyoodey, wixii uu tilmaamayna ay xiqiiq dhacday ama dhicidoonta.

Islaamku waa aqoon sayniseed awood weyn, hase yeeshee, aan lagu fasirin ama lagu cabirin amuuraha iyo isbeddellada ka dhaca adduunka. Islaamku qurux iyo qiime gaar ah ayuu ku soo kordhiyey tayada nolosha aadanaha.

(Macluumaadka ku saabsan dooxada Mesopotamia waxaa aad loogu faahfaahiyey cinwaanka: Dooxooyinka ismaandhaafka ee Dunida, cadadka 2aad ee NOLOLI WAA BIYO).

Warfa Abdi (warfagarweyne@hotmail.com)

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online