Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay dacwadda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga

September 25, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta shir jaraa’iid oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku faahfaahiyay xuduud badeedka Soomaaliya iyo dacwadda ka dhanka ah dalka Kenya oo uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadaha Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ah hay’ada awoodda uleh kala saarida muranada xuduud badeedka dunida ka dhaca.

Xeer Ilaaliyaha oo ku dheeradaay taariikhda soo jireenka ah ee sharciyada la xiriira badda Soomaaliya oo ay dawladihii rayidka iyo tii kacaankaba marar badan wax ka badaleen isaga oo sheegay in xuduud badeedka Soomaaliya gaarayso ilaa 350 mayl.

“Soomaaliya waxay qayb ka tahay 160 dal oo aqbalay heshiiskii UNCLOS III ee lagu saxiixay dalka Jamaica kaasoo barlamaankii Jamhuuriyadda Soomaliya ay ansixiyeen bishii Febraayo 1989, kadibna Madaxwaynaha dikteero ku saxiixay wuxuuna dhigaya in xuduud badeedkeenu (Territorial Sea) yahay 12 mayl halka waxa loo yaqaano Aagga dhaqaalaha (Exclusive Economic Zone) yahay 200 oo mayl sidoo kalena Qalfoof Qaadareedka (Continental Shelf) uu gaarayo ilaa 350 mayl dhanka Badwaynra Hindiya”

Sidoo kale Dr Axmed wuxuu sharaxaad ka bixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay Xukuumadii KMG ahayd la saxiixatay dawladda Kenya uu ahaa mid aan waxba ka jirin oo khaladaad badan oo dhanka sharciga ay ka buuxeen.

“Is-afgaradkaas wuxuu lahaa ceebo badan oo dhanka sharciga iyo qaabka heshiiysada loo galo la xiriira. Tan kowaad waxaa ku qoran in muran la galiyo xuduudaha badda Soomaaliya. Tan labaad astaanta qaranka Kenya oo kaliya ayaa warqadaha lagu qoray oo ma jirin wax cadaynaya astaan Soomaaliyeed marka laga reebo saxiixa Wasiirkii wakiilka uga ahaa Xukuumadii xilligaa jrtay. Tan sadexaad waxaa lagu qoray in heshiiskaas dhaqan galaayo marka la saxiixo oo meesha waxaa laga saaray awoodii Barlamaanka ee dastuuriga ahayd ee hay’adda sharci dajintu lahayd oo ah inay ansixiso heshiis walba oo dawladdu galayso. Tan afraad Kenya waxay samaysatay khariirad ugaar ah oo ay ku sheeganayso dhul badeed Soomaaliyeed.”

“Waxaan amaan iyo bogaadin ujeedinayaa Barlamaankii KMG ahaa ee xilligaa jiray oo gacanta ku dhuftay is-afgaradkaas. Waxaan amaanaynaa dawladda Norway oo nagu caawisay diyaarinta daraasad ku saabsan sharciyada la xiriira xadaynta badaha oo aan aad ugu mahad naqayno taagerideeda ay na siisay. Waxaan kaloo bogaadinayaa kaalinta uu ka ciyaaray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbiyay hay’adaha arintan ay khuseyso sida Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda. Sidoo kale Xukuumada oo uu wakiil ka yahay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiirigalinta Maalgashiga Dr Cabdirixmaan Bayle, isaga waraaqo badan u diray, wada hadallana kala yeeshay Kenya sidii ay u joojin lahayd sahminta dhul-badeedkan. Markii ay ka iska dhaga tirtay dhambaaladii Dr. Bayle ayaanu go’aansanay inaan sharciga caalamiga ah uga dacwoono Kenya.”

“Waxaan diyaarinay khubara ku xeel dheer xadaynta badda iyo shuruucda caalamiga ah ee badaha oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira. Xafiiska Madaxwaynaha iyo lataliyayaashiisa dhanka sharciga ayaa iyaga arintaa si dhaw ula socda. Sidoo kale waxaan furnay fayl uu gacanta ku hayo iminka Wasiirka Arimaha dibadda, Xafiiska Xeer Ilaalintuna arintan waa ku garab taaganyahay dadka loo igmaday inay dacwadaas natiijo ka keenaan.”

Sidoo kale Xeer ilaaliayha Qaranka ayaa sheegay inay jiraan shirkado isaga baxay dhul badeedkii Kenya sheegatay sida Stat Oil iyo Anadrako halka ay jiraan kuwa wali ka madax adayga inay joojiyaan shaqada ay ka hayaan dhul-badeedkeena sida Total, ENI, iyo Midway Resource (Zarira) wuxuuna cadeeyay inay ganaax lacageed dul dhigeen shirkadahaas.

“Shirkadaha hawshan wada anaggaa la xiriirnay halka dawladda Kenya aanu dacwad ka gudbinay dabayqaadaii bishii hore. Shirkad walba oo maanta hawl sharci darro ah ka wadda xuduudeena waxaan kusoo rognay ganaax lacageed oo u dhigma halkii Kiilimitirba 30 Euro maalin kasta oo ay hawshaa sii waddo taasoo ka dhigan in ENI oo ah shirkad Talyaani ah oo qandaraas ku qaadatay 3 goobood (blocks) oo baaxadiisu dhantahay 33,522km2, maalinkii ay ku socoto 1,005660 Euro halka Total oo Faransiiska laga leeyahay ay hawl ka wado hal goob (block) oo baaxadiisu dhantahay 3,838km2, lagu soo rogay maalinkii 109,230 Euro. Shirkadda sadexaad ee Midway Resource (Zarira) oo laga leeyahay Ingiriiska waxay qanadaraas hal goob oo baaxadiisu dhantahay 276km2, waxaa ku socda maalinkii ganaax dhan 5,010 Euro.”

Mar uu ka hadlayay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayuu carabka ku adkeeyay in Kenya tahay dal abaal badan Soomaaliya u galay gaar ahaan marti galinta qaxootiga iyo ka qabyqaadashada hawlaha lagu nabadeynaayo Soomaaliya laakiin aysan Soomaaliya marnaba hal taako oo dhulkeeda kamid ah aysan uga tanaasuli doonin ayna qaabw alba oo sharciga wafaqsan ku difaacan doonaan xuduudaha badda ee hada Kenya sheeganayso.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyo in kiiskan aanu maxkamadda gaynay aan ku gacan sarayno marka la eego sida dacwadaha noocan oo kale ah hore loogu xaliyay iyo sida ay qeexayaan qawaaniinta caalamiga ah ooSoomaaliya iyo Kenya labaduba hore u saxiixeen. Sidoo kale waxaa jira kiisas nala mid ah oo hore u dhex maray Guinea iyo Guinea Bisau, Peru iyo Chile iyo kuwa kale oo badan sidaa daraadeed waxaan idinki dhiirigalinaynaa inaad walwalka iska daysaan oo aad garab istaagtaan gudiga arintan dhanka Soomaliya u matalaya oo uu Dr Cabdiraxmaan Bayleh madaxda ka yahay.”

Ugu danbayntii wuxuu Xeer Ilaaliyaha u mahadceliyay Madaxwaynaha Soomaaliya oo dadaal xoogan u galay badbaadinta dhul-badeedkan Kenya sadbursanayso. Wuxuu sidoo kale amaanay Xafiiska Raysulwasaaraha oo hawshan isku dhabarjabiyay isaga oo Barlamaanka hada jirana ka booriyay inay sii wadaan badbaadinta iyo ilaalinta xuduudaha wadanka bad iyo barriba maadaama uu Barlamaanku yahay hay’adda dastuuriga ah ee arintaa la doonayo inay si gaar ah uga warqabto.


Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online