Xuutiyiinta oo qabsaday Tv Qaranka ee dalka Yemen iyo xaafada ka mid ah Sanca (Daawo)

September 20, 2014 - Written by Editor

xuutiyiinYemen:-Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta shiicada ah ,qabaa,il la socda iyo ciidamo daacad u ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Yemen ay qabsadeen Tv Qaranka ee dowlada Yemen iyo xaafado muhiima oo ku yaal xarunta dalka Yemen ee Sanca,a sida ay tabinayaan wakaalada wararka Caalamka.

Tv-ga Qaranka ee dalka Yemen ayaa saacado badan ka maqnaa hawada waxaana si ku meel gaar ah ay u fureen qeyb kale oo aan la socon calaamadii iyo calankii dalka Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa waxaa ay wadeen sanado badan kacdoon ka dhan ah dowlada Yemen waxaan si xun dagaalada loogu jabiyey xiligii uu dalka ka talinayey Cali Cabdala Saalix waxaana lagu soo uruuriyey buur ku taal magaalada Sacda

Markii ay dhacday dowladii Cali Cabdala Saalax ayaa waxaa talada dalka loo Dhiibay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Cabdi rabi Mansuur Haadi oo waxba kala wadi waayey wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa koonfurta dalka Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa waxaa ay ku guuleysteen in ay Ahlu Sunahii magaalada Damaaj ka tarxiilaan waxaana halkaas ku yaalay Markizkii weynaa ee Daarul Xadiis ee Damaaj oo uu aasasay Sheekh Muqbil Al-Waadicii alaha u naxriistee waxayna intaas ka dib qabsadeen Degmada Camraan iyaga oo ku xijiyey Jowf waxayna haatan qabsan rabaan magaalada Sanca,a ee Caasimada dalka Yemen.

Muslimiin badan ayaa waxay is weydiinayaan wax koox yar oo shiico ah ay haatan ugu dhiiratay in ay la wareegaan dowlada Yemen oo ah dowlada Suni ah waxaa jira khiyaamo iyo mu,aamarooyin kala duwan ay wadaan saraakiil ku jira dowlada Yemen iyo Iran waxaana  gadaal ka riixayaan dowladaha reer Galbeedka

Waxba yuusan halka ila dheeraan bal nala daawo Filimkaan ay ka diyaariyeen Mareegta Burhaan kooxda Xuutiyiinta ee haatan haya dhabihii Xisbulaat ee dalka Lubnaan.

Hoos ka daawo taqriir ay Al-Jazeera ka diyaarisay dagaalada ka socda Yemen iyo damaca kooxda Xuutiyiinta ah

Hoos ka daawo Taqriir ay Al-Jazeera ka diyaarisay dowrka ciidanka Yemen ee ku aadan dagaalka xuutiyiinta.

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online