138 Arday oo ka qalin Jabiyey Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood‏.[Masawiro]

October 14, 2014 - Written by Editor

ALaascaanood:-Waxaaa maanta ka dhacey  Jaamacadda Nugaal University Xaflada Ballaadhan oo lagu Sagootinayey Dugcadii 5aad ee ka qalin jebisey Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascanod.Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanod , Culimaa’du diin , Odayaasha dhaqan , Hooyooyinka , Ardayda Dugsiyada Sare iyo Jaamacada , Ganacsato ,qoonyahanno , Macallimiin , Masuuliyin ka Socotey Maamulka Somaliland iyo Saxaaafadda Gobolka Sool ayaa ka Soo qayb galay Xafladan qiimaha badan lagu Sagootinayey Dufcaddii 5 aad ee maanta ka Qalin Jebisey .

Tirada Ardayda ka qalin jabiyey Sanadkaan waa 138 Ardey oo ka kala socda 5 Kulliyadood , waxaana ka mid ahaa Dufacddii ugu horeysey ee baraty Shareecadda Islaamiga ah ee Jaamacadda Nugaal. Ugu  horreyn waxaa ka hadley Xaflada Madaxa Dacwada ee Gobolka Sool Sh.Axmed Maxamed Suleymaan , Isagooo ka waramy Ahmiyadda waxbarshada isagoo Ardayga xasuusiyey inaysan Agoontii ka qalin Jebine laakiin ay qalin Rogteen , oo ay hadda u gudbeen waxbrasho kale oo ka gudo ballaadhan tii hore.

Waxaa  Kale oo Ka Hadley Arday Adam Cali Nuur oo ku hadlayey magaca Kulliyadaha shanta ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadda isagoo sheegey in haddii ay yihiin Ardaydii dhameysey Sanadkan Jaamacadda ay nasiib badan leeyihiin , Macallimiintoodana u abaal gudi karin wixii ay barteen awgeed.

Waxaa Sidoo kale hadal oo Qiimo badan ka soo Jeediyey Qurbajoogta Jaaliyada Gobolka Sool ee ku dhaqan wadan ka Isu tagga Imaaraatka isagoo Ka waramay Doorkii ay Jaaliyadda Imaaraatka ka qaateen heerka horumarineed ee ay maanta Gaadhey Jaamcadda Nugaal.

Sidoo Kale Waxaa ka Hadley Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadda Nugaal University Proff Abdirizak Maxamed Adam (Lafoole) Isago ku dheeraadey Heerarkii iyo Taariikhdii Jaamacdda Nugaal Soo  Martey. Proff Wuxuu Ku Dhiiri Geliyey Ardaydii Qalin jebisey isagoo u Sheegey In ay Gudaan Abaalkii loo galay , iyo Inay Bulshadooda Hor mar Gaadhsiiyaan .

Waxaad Tihiin midhihii La Soo beerayey 16 Sano , Waxaa idinku Soo Tabcey Waalidiina iyo Macallimiintiina , iyo Qaraabadiina , Waxaad ahaydeeen Beer  la Beerayey , Maana Waxaad tihiin Maalinkii La Goosan Lahaa Midhihiina ‘ ayuu Yidhi Proff Abdirisak  Maxamed Adam Lafoole .

Waxaaa Sidoo Kale Ka Haldey Shiikhu Baladka  Gobolka Sool , Sh C/Naair Xaaji Amxed , isagoo Ardayda ku U sheegey In Hawshii ay Dhameeyeen mid ka adag oo ka hawl badani u hadhsan tahay , Taasoo ah Diyaarinta Labada Shahaado ee Heerarka Labaad iyo Koowaad ee Master Degree ga iyo PhD .

Ninkasta wuxuu sharaf iyo dheefsi gaaadhaa inta uu bixiyo dedaal iyo go’aan adayga , iyo in lagu saamalaylo Khayrka iyo Cilmiga , waxaad barateen marka hore waaa inaad naftiina ku Intifaacdaan , marka xigana Bulshadiina iyo Ummada Islaamka ‘ ayuu Yidhi Sh C/Naasir Xaaji Axmed.

Ugu danbeytii waxaa ka hadley Odayaasha dhaqanka oo la siiyey inay soo afmeeraan xaflada qalin jebinta ee Jaamacadda Nugaal. Odayaashii Waxey Qalin Rogtayaasha(Qalin jebiyayaasha ku Booriyeen Inay Bulshadooda wax taraan oo ay gudaaan Abaalkii wax lagu soo barey 16 kii Sano ee lagu Soo  tabcey .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online