Afhayeenka Maamulka Jubba oo sheegay in ay la wareegeen deegaano ka tirsan J/hoose

October 6, 2014 - Written by Editor

seeraarKismaayo:-Ciidanka Maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa saakay waxay la wareegay gacan-ku-haynta deegaano ka tirsan gobalka J/hoose waxaana ka mid ah deegaannada ay la wareegeen ciidanka Maamulka KMG ee Juba  iyo kuwa AMISOM Buula-gaduud, Yoontoy, Koban iyo deegaano kale.

Deegaannada ay la wareegeen ciidanka Maamulka KMG ee Juba  iyo kuwa AMISOM Buula-gaduud, Yoontoy, Koban ayaa waxaa ku suganaa kooxda Al-Shabaab ka dib markii ciidankii Bare Hiiraale ay kismaayo soo galeen.

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa  u xaqiijiyey warbaahinta in ay Al-Shabaab ka saareen deegaanada Buula-gaduud, Yoontoy, Koban wuxuuna sheegay in ay qorsheynayaan in ay la wareegaan maalmaha soo socda Degmada Bu’aale, Salagle, Saakow iyo Jilib.

Cabdinaasir Seeraar Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in ay dib ka faahfaahin doonaan khasaaraha kala gaaray ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay guulaha uu sheegay in ay gaareen Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online