Ambassador Maman S. Sidikou oo ka hadlay Banaanbax ka dhacay B/weyne

October 19, 2014 - Written by Editor

IMG_7539Hiiraan:-Wakiilka Midawga Afrika u qaabilsan Somalia Ambassador Maman S. Sidikou ayaa sheegay inuu ka xumaaday wararka ka imanaya gobolka Hiiraan kuwaas oo sheegaya in koox hubaysani ay weerareen isla markaana hor istaageen ciidamo ka tirsan AMISOM, xilli ciidamada nabad ilaalintu ay halkaas u joogeen arrin dib u heshiisiineed.

Sarkaal u hadlay AMISOM sheegay in ciidamadooda ay hor-istaageen niman hubaysani iyo dad mudaharaad samaynayaa deegaanka Ceel-gaal oo 10 KM woqooyi ka xigta Beledweyn. Ciidanka AMISOM ayaa isidoo kale sheegay in nimankaa hubaysani ay rasaas ku fureen ciidanka AMISOM taas oo ciidankooduna ay ka jawaab celiyeen si ay isu difaacaan, wararka goobtaas naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in laba qof ku dhaawacantay dhacdadaas.

Ergeyga Midawga Afrika u qaabilsan Somalia Ambassador Sidikou ayaa yidhi “waxaan si aad ah uga xumahay inaan maqlo arrinta ka dhacday gobolka Hiiraan, waxaan codsanayaa in xaalladda la dejiyo isla markaana sidii hore lagu soo celiyo, waxaanna ka codsanaynaa dadka reer Hiiraan inay qaataan nabadda isla markaana ka fogaadaan wax keeni kana khilaaf kale oo dheeri ah oo ka dhaca deegaanka Deefow iyo meel kaleba”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey “waxaan jecelahay inaan dadka reer Hiiraan u caddeeyo in AMISOM aanay xisbi,cid gaar ah iyo qabiil gaar ahba raacsanayn, waxaanuna Somalia u joognaa inaanu u adeegno dhammaan dadka Soomaalida ah isla markaana xukuumaddooda ku garab istaagno inay yoolkooda gaadho” ayuu yidhi Ambassador Maman S. Sidikou.

Source VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online