Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garoowe oo doortay gudoomiye cusub.[Masawiro]

October 23, 2014 - Written by Editor

DSC02452Garoowe:-Doorashada Gudoomiayaha Ardada jaamacadda Bariga Africa faraceeda Garoowe ayaa waxaa isutaagay 4 musharax oo ah Daa’ud Sakariye Xirsi, Jamaal Daahir Aadan, C/wahaab Bashiir Nuur iyo Maxamed Cllaahi Maxamed oo afartuba ka tirsan kuliyada kala duwan e jaamacadda.

Codaynta oo soo bilaabatay maalintii Talaadada waxaa kaqayb galay codadkoodana dhiibtay in kabadan 300 oo Arday oo dhigta jaamacadda, waxana wareegi koowaad ee codaynta kudhamaatay sidatan.

1. Daa’ud Sakariye Xirsi 108 Cod.

2. Jamaal Daahir Aadan  199 cod.

3. Cabdiwahaab Bashiir Nuur 24 Cod

4. Maxamed Claahi Maxamed 52 cod.

Waxaa usoo baxay wareegga labaada saddexda musharax ee ugu dhibcaha badan iyadoona uu hal musharax haray, waxaana inta aan loo gudbin wareegi labaad tanaasulay musharax Maxamed Cabdullahi Maxamed, waxana wareegga ugudbay labo musharax waxana mar kale dib ubilowday codaynta.

Gudoomiayaha gudiga doorashada Cabdifataax Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay sida loo kala guulaystay wareegga labaad, waxana uu cadeeyay in musharax Jamaal Daahir Aadan uu noqday gudoomiayaha ururka Ardada jaamacadda bariga africa Faraceeda Garoowe, uuna helay codad gaaraya 171 cod, halka Da’ud Sakariye Xirsi uu helay codad gaaraya 146.

Gudoomiayaha jaamacadda bariga arica faraceeda Garoowe Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa hadlay kadib iclaaminta cidda guulaysatay waxaana uu kula dardaarmay gudoomiyaha cusub inuu noqdo qof xil kas ah waxna kusoo kordhiya jaamacadda.

Gudoomiayaha cusub ee ay doorteen araydadu Mudane Jamaal Daahir Aadan ayaa markii ay soo dhammatay munaasabadda doorashada waxa uu kawaramay dareenkiisa waxana uu sheegay in dhammaan ballan qaadyadiisa uu kadhabayn doono, waxaana uu kacodsaday maamulka jaamacadda Bariga Africa inay lashaqeeyaan si wax badan oo horumar ah uu ugaarsiiyo jaamacadda mudada halka sano ah ee soosocota.

Sanad walba waxaa jaamacadda Bariga Afrika laga qabtaa doorashada gudoomiayaha Ardada jaamacadda , waxana kadhisan jaamacadda ururka horumarinta aradada jaamacadda oo lagu magacaabo EAUSDO.

no images were found

Waxaa soo diyaariyay Qaybta warbaahinta ee (JBA).

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online