Axkaamta Udxiyada iyo Aadaabta Ciida

October 3, 2014 - Written by Editor

DSC02748Gaalkacyo:-Iyadoo Maalinta Sabtida ee nagusoo aadan ay Ciidi doonaan Dhamaan Muslimiinta joogta daafaha Caalamka ayaa Muxaadaradaani ku saabsan Axkaamta Udxiyada iyo Aadaabta Ciida waxaa lagu qabtay Masaajidka Ramadaan ee Magaalada Gaalkacyo , waxaana soo jeedinayay Dr.Aadam Muxamed Cigaal oo kamida Culimada ugu waawayn Magaalada Gaalkacyo ahna Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo).

Muxaadarada ayaa waxaa ay kamid tahay Muxaadarooyin loogu tala galay in lagu wacyi galiyo Bulshada si ay uga faaidaytaan Maalmaha Sharafta iyo Qiimaha badan ee Tobanka Dilxija ugu horaysa waxaana ka horaysay Muxaadaro ku saabsanayd Fadliga Soonka Maalinta Arafo.

Sh.Aadan ayaa waxaa uu ugu horaynba Bulshada ku booriyay inay ka faaidaystaan Fadliga Soonka Maalinta Arafo oo Alle uu Qofka ugu dhaafayo Dunuubta sanadkii tagay ee dhamaadka sii maraya iyo midka bilaaban doona insha alaah.

Waxaana intaasi kadib uu uguda galay Mawduucii lagu balansanaa isaga oo ku bilaabay

Axkaamta Udxiyada :
Qeexid : Udxiyo waa in la qalo Xoolo loogu dhawaanayo ilaahay , waana Cibaado kamida waxyaabaha lagu adoonsaday Jiniga iyo insiga.

Xukunkeeda : Culimada badankoodu waxaa ay qabaan inay tahay Sunne la adkeeyay , waxaana cadaynaya Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiithta Nabiga.قال تعالى : (فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ) الكوثر : 2

Alle kor ahaaye waxaa uu yiri : “Nabiyoow u tuko Rabigaa  (Salaada Ciida) , gawracna (Xoolaha)” Kawthar :2 عن أنس قال ضحى النبي صلى الله عليه وسلم بكبشين أملحين أقرنين ذبحهما بيده وسمى وكبرووضع رجله على صفاحهما

Anas waxaa laga wariyay in uu yiri Nabiga Salalahu Calayhi Wasalam waxaa uu ku udxiyaystay laba wan oo waaweyn oo geesa leh , Gacantiisa ayuuna ku gawracay Alle ayuu magacaabay wuuna wayneeyay dhuunta ayuuna cagta ka saaray.

Xiliga la gawracayo : Salaada Ciida kadib ayaa Xoolaha la gawracayaa waxaana la wadi karaa ilaa Maalinta Sadexaad ee ka danbaysa Maalinta Ciida , Qofkii Salaada ka hor Gawraca ma ahan Udxiye ee waa Hilib uu reerkiisa u qashay , waxaana fiican marka Khudbada lagasoo boxo in Xoolaha la gawroco.

Xoolaha lagu Udxiyaysanayo : Xoolaha ay banaantahay in la udxiyaysto waa Geela , Lo’da , iyo Ariga , mana banana in wax kale oo aan intaas ahayn lagu Udxiyaysto sida Digaaga , Ugaarta IWM.

Qofka iyo reerkiisa waxaa ka gudaya Udxiyada hal Neef oo ari ah , Neefka geela ah iyo midka Lo’da ah waxaa ay ka gudayaan Todobo Qof iyo Ehelkooda.

Xoolaha Udxiyada iyo inta ay jiraan : Geelu waa in uu jiraa Shan sano , Lo’duna waa in ay jirtaa Labo sano , Riyuhu waa in ay jiraan Hal sano , Idihuna waa in ay jiraan Lix Bilood ugu yaraan.

Shuruuda Xoolaha laga rabo : Xoolaha la qalayo waa in ay ka nabad qabaan Ceebo oo dhan sida kuwa ka muuqda jirka Neefka ama kuwa xukun ahaan ugu tacaluqa sida in uu yahay mid la dhacay ama Qof kale leeyahay , waana in Neefku uu noqdaa mid Caafimaad qaba oo jirkiisa aysan waxba ka maqnayn.

Qofkii raba in uu Udxiyaysto waxaa fiican in uusan Timihiisa taaban ama jarin sidoo kalana wax kamida Cidiyihiisa uusan iska gurin.

Xoolaha iyo Marka la Gawracayo : Xoolaha marka laga gawracaya waa in :-

1.Dhiigiisa la shubaa oo lagu gawracaa wax sharci ah oo Wax qala.

2.Qofka Gawracaya in uu yahay (Muslim , Caqli leh oo wax kala sooci kara).

3.Ilaahay Dartiis in loo gawroco oo wax kale aan lagu lamaanin , Alle ma aqbalo acmaasha kuwa isaga loo gaar yeelay maahee.

4.Magaca Alle in lagu Gawroco بسم الله  laguna daro الله أكبر

Xoolaha Udxiyada waxaa fiican Qofku in uu wax ka cuno qaarna Sadaqaysto ama Dadka kale  u hadiyeeyo.

Mar Sh.Aadam la waydiiyay in Qofka Qalaya Xoolaha ujuuradiisa wax laga siin karo Xoolihii uu qalay ayaa waxaa uu sheegay inaysan banaanayn wax kamida Xoolaha ilaahay Dartiis loo qalayo ee Udxiyada in aan lagu bixin karin Kirada Qofka qalayo , laakiin wax laga siin karo Qofka qalay Xoolaha , Kiradiisana si madax banaan loosiiyo.

Aadaabta Ciida :

Ciidu waa farxad lamuujinayo maadaama Alle Dadka Mulimiinta ah u nimceeyay ; si ay Nimcadaasi u soo bandhigaana waxaana Islaamku leeyahay laba Ciid oo kaliya waxayna yimaadaan marka Muslimiintu ay gutaan laba Rukni oo waaweyn (Soonka Ramadaan iyo Xajka)

Aadaabta Dadka looga baahanyahay waxaa kamida :

1.Takbiirta oo lagasoo bilaabayo Subaxa Arafo isla markaana la wadayo ilaa Maalinta Sadexaad ee ka danbaysay Maalinta Ciida.

Takbiirta waxaa looga danleeyahay in la muujiyo Ilaahay waynidiisa , si ay usoo qaabisho Cibaada

Qaababka Takbiirtana waxaa kamida

الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلا الله، الله أكبر، الله أكبر، ولله الحمد

Meesha lagu Tukanayo : Dadka Muslimiinta ah waxaa fiican in ay iskugusoo baxaan meel fagaaraha oo loogu tala galay in lagu ciido ama Meelaha Ciidaha lagu tukado , waxaana in Qofka Muslimka ah uu la tukadaa Dadka Muslimiinta ah ee Dagan meesha uu ku ciidayo haday doonaan yaysan isku luqo ahaane.

2.Salaad Ciida in la tukado : Dadka Muslimiinta ah waxaa Waajib ku ah inay Salaada Ciida Tukadaan Qofka in uu Cududaar sharci ah uu kuyimaado maahee ma ahan in uu Salaada soo xaadiri waayo , waxaana Salaada usoo baxaya Ragga , Dumar , Caruurta , xataa waxaa lasoo saaraya Gabadha Dhiiga Caadada qaba si ay Muslimiinta Farxadaas ula wadaagaan.

3.Qubays iyo is udgin : Maalinta Ciida waxaa laga doonayaa Qof walba oo Muslimiinta kamida in uu soo xirto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan uuna isasoo carfiyo jirkiisana soo nadiifiyo , Gabdhaha looma ogola inay isasoo carfiyaan waana in ay Xijaabka Sharciga ah ku yimaadaan , waa xaaraan Dharka Khafiifka ah iyo kuwa jirka ku dhagan.

4.Wadada in aad badashid : Qofka Muslimka ah waxaa laga rabaa marka uu Salaada iyo Khudbada kasoo faaruqo in uu maro waddo aan ahayn tii uu markii hore ee gurigiisa uu ka imaanayay uu soo maray , si uu Salaanta u badiyo oo dad ka gadisan Dadkii hore ula qaybsado Farxada iida.

5.Hambalyaynta : Muslimiinta waa in ay iskugu hambalyeeyaan Ciida uu alle soo gaarsiiyay , Qaraabada waa in lasoo salaamaa Caruurta iyo Ehelka waa in laga farxiyaa , waa in Qofku uu muujiyaan Farxad iyo rayn rayn.

FG.Maalmahaan ma ahan inay noqdaan kuwo la sameeyo waxyaabaha xaaraanta ah ama loo dalxiis tago alle caasin Huteelana loo goglado sidii fisqi iyo xaaraan loo samayn lahaa.

Sikastaba ha ahaatee Maalinta Sabtida ee Bisha Dulxiya ay ku aadantahay 10.12.1435 h oo waa faqsan 04.10.2014 ayaa waxaa ay tahay Maalinta Ciida Afaro oo ah Ciid Muslimiinta aad ugu wayn.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Madax Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online