Baaq ku saabsan Xaaladda Puntland iyo Mustaqbalka.[War-saxaafadeed]

October 9, 2014 - Written by Editor

KhaliifWar-saxaafadeedkaan wuxuu ku saabsan yahay xaaladaha ka jira gobollada Puntland tan iyo doorashadii January 2014. Xukuumadii horre ee Madaxweyne Farole waxay dalka uga tagtay waxqabad la taaban karo, doorasho xalaal ah, xilkiina ku warayjisay si waafaqsan shuruucda dalka kuna salaysan sharaf iyo ixtiraam, sidii Xukuumaddii ka horaysay. Sidoo kale, Xukuumadii horre wax gorgortan ama dowlad-wadaag (coalition government) kuma gelin dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Gaas. Doorashadii kadib, Madaxweynihii horre wuxuu yiri: “Waxaa innaga dhaxeeya waa dadka iyo dalka.”

Xukuumaddan waxay ballanqaaday arrimo badan, laakin waxaa soo muuqanaysa inuu jiro mowqifyo iyo siyaasaddo iskhilaafsan, jahwareer iyo habacsanaan maamul, khataro amni, iyo in lagu socdo dariiq liddi ku ah barnaamijyada Xukuumada xilka haysa iyo waxqabadkii horre.

Waxaa nagu kalifay qoraalkaan mas’uuliyadda dalka naga wada saaran iyo markaan aragnay: cabashooyinka shacabka; dhaliisha waxgaradka; welwelka amniga; hoos u dhaca dhaqaalaha; maamul xumada; iskuxirnaasho la’aanta Golayaasha Dowladda; siyaasadda iskhilaafsan ee arrimaha federaalka; iyo hoos u dhaca maqaamka iyo miisaanka Puntland. Markii la eego Dunida hormartay, waxaa xusid mudan inay doorka mucaaradnimo ay qabtaan hadba xisbigii xilka ka degay, sababtoo ah mas’uuliyiintaas ayaa la socday xaaladaha kala duwan ee dalka, iyaga ayaanna iftiimin kara hadii lagu socdo dariiq ka baxsan horumarinta dalka.

Anagu waxaa inoo qorshe ah ilaalinta nabadda, midnimada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaliya, qoraalkaanna waa isxasuusin, iftiimin, wax toosin iyo talo soo jeedin, kamana shaqayno kicinta bulshada, hanjabaadda iyo been abuuridda. Muddo 9-bilood ah ayay Xukuumaddu xilka haysaa, waana muddo kooban markii loo eego mudada xilka loo doortay, laakin waa muddo lagu qiimeyn karo dariiqa lagu socdo. Waxaa la ogsoonyahay inuu shacabka iyo waxgaradka guud ahaan la gaabsadeen guuxooda, hadaba, waxaanu qiimeynaynaa siyaasadihii iyo dhacdooyinkii bilihii la soo dhaafay, sidda:  Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran

Wabillahi Towfiiq.

Khalif Ciise Mudan

Wasiirkii horre ee Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online