Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baran

October 20, 2014 - Written by Editor

2Baran:-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka waxaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey duleedka mgaalada Baran, Issimo , Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Nabadoono iyo waxgarad kale.

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse  yaa waxaa uu marti qaad ka hellay Suldaanka beel weynta warsangeli oo ku sugan Baran, waxaan ay yeelan doonaa kulamo gooni gooni ah oo ka dhaci doona magaalada Baran loogna hadli doono arrimo badan oo dhaqanka iyo beelaha sidda wadaaga u dhistay Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Jaamac Ciyoon oo hogaaminayey soo dhowayntaas Balaaran ee loo sameeyey Wafdiga Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo  ka hadlay goobta ayaa sheegay  in reer Sanaag ay gacmo furan  ku soo dhaweynayaan Boqor Burhaan iyo wafdiga la socday.

Dhinac kale Generaal Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa waxgaradkii kaga soo horeeyey  Boqorka magaalada Baran  ayaa  uga mahad celiyey dadweynaha reer Baran  soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey wafdiga Boqorka iyo waxgaradkii kale ee yimid magaalada.

Boqorka beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna ka hadlay goobta lagu soo dhaweeyey ayaa sheegay in mahad balaaran uu u jeedinayo dadweynaha ku noolm gobolka Sanaag oo iyagu uu sheegay in gobolkoodu uu yahay gobol ay ku weyn tahay dhaqan ahna gobol facweyn.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online