Ciidamada Maamulka Jubba oo la wareegay gacanta ku heynta deegaanka Cabdalle Biroole

October 24, 2014 - Written by Editor

Ciidanka_jubaKismaayo:-Ciidamada Maamulka Jubba ayaa waxaa ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Cabdalle Biroole oo qiyaastii 50 km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada hoose.

Ciidamada Jubba ayaa waxaa weheliya ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM waxaa ay qorsheynayaan in ay qabsadaan Tuulada Buulo-Xaaji sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee Jubba.

Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waxay si xowli ah loooga dareemayaa deegaano ka tirsan goblka J/hoose wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka KMG ee Juba aya saaka ka soo ruqaansadeen deegaanka Raaskaambooni iyaga oo masaafo yar u jira Kudhaa .

Waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa deegaanada Dhobley,Qooqaani, Badhaadhe,Afmadow , Kismaayo waxaana ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubba ay qorsheynayaan in ay duulaan ku qaadaan deegaano ka tirsan gobalka J/hoose iyo J/dhexe oo ay haatan ku sugan yihiin Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay 3 qof oo Al-Shabaab ah ay ku dileen deegaankaCabdalle Biroole oo 50 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan AL-Shabaab oo ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay deegaanka Cabdalle Biroole .

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online