Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo Dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Shabeelaha Hoose

October 1, 2014 - Written by Editor

amisomBuulo Mareer :-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Buulo Mareer ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM uu ka socdo halkaas waxaana shalay gaaray Degmada Buulo Mareer ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo lagu xoojiyey kuwii horey u joogay Buulo Mareer.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaargarow ay doonayaan in ay ku qabsadaan Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Al-Shabaab .Dadka deegaanka Buulo Mareer ayaa u sheegay saxaaafada inay arkayeen gawaarida gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo u saaka u jiheystay dhanka Degmada Baraawe.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka gaareen tuulo lagu magacaabo Maryan-guubaay ee duleedka Degmada Buulo Mareer.

Saraakiisha Ciidanka DFS ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe oo ah Saldhiga ugu weyn ee ay Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose. Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyey tuulo lagu magacaabo Maryan-guubaay ee duleedka Degmada Buulo Mareer oo ay saaka la wareegeen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online