Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose

October 5, 2014 - Written by Editor

AMISOMBaraawe:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalad Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii halkaas uu ka dhacay dagaal kooban oo looga itaal roonaaday kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay si buuxda ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM  ula wareegeen Degmada Baraawe ayna dileen 13 askari ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa mar uu ka hadlayey khasaaraha soo gaaray dhankooda waxaa uu sheegay in ay ka dhaawacmeen labo askari.

Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay kulan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo adkeeyo amaanka Degmada Baraawe ee  gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidanka Al-Shabaab ee isaga baxay Magaalada Baraawe ayaa la sheegay in ay udhaqaaqeeen wadadada aada Jilib,Sablaale iyo aaga Ambareesa

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online