Ciidanka DFS oo howlgalo ka wada qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir

October 30, 2014 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka howlgalo culus ay wadaan ciidanka DFS oo ay weheliyaan kuwa nabadsugida waxaana howlgalada ay ka socdaan Degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ,howlgalada ayaa waxay saameeyeen isku socodka dadweynaha waxaana howlgaladan lagu bartilmaameedsanyey sida ay sheegeen Saraakiila ka tirsan DFS xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhex dhuumaaleysanaya dadweynaha ku dhaqan degmooyinka ay howlgalada ka socdaan.

Howlgalada ayaa waxaa ay ciidanka DFS ka wadaan Degmooyinka kala ah Yaaqshiid, Huriwaa ,Wadajir iyo Dharkeenley iyo Kaaraan waxaana ay ciidamada DFS soo qabteen dhalinyaro badan ,hubka fud fudud .Ciidamada DFS  ayaa guri guri u baaarayey Degmooyinka kor xusan..

Dhanka kale ciidanka Nabadsugida ee DFS ayaa maanta burburiyey labo guri oo ku yaal xaafada Gubta ee degmada Dayniile ka dib markii ay ka heleen hub iyo walxaha qarxa .Wasaarada Amniga ee DFS ayaa waxaa ay amar ku bixisay in dhulka lala simo guriga kasta oo laga helo hub ama lagu qariyo qof Al-Shabaab ah..

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online