Culimo Jawlo dacwadeed ku soo maray magaalada Bursaalax ee degmada Galdogob [Masawiro]

October 27, 2014 - Written by Editor

20141023_105735Bursaalax:-Culumada iyo ducaada Mu,assasada Alminhaj ee degmada Galdogob ayaa dhawaan  jowlo dacwo waxaa ay ku soo maray qaybo k amid ah deegaanada hoos yimaada degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Ducaada oo uu wehliyey hormuudka jaamcada bariga Afrika fareceeda Galdogob ayaa subaxnimadii khamiista ka anbabaxay magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ugu horayna waxay ku hakadeen tuulada Qansaxle oo 18km u jirta magaalada.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyey ducaada iyagoo dhamaan ay iskugu yimaadeen goobihii ay ducaadu duruusta ka jeedinayeen oo ahayd bartamaha tuulada, culumaduna waxay kala hadleen in ay Allaah ugu shukriyaan nimcada roobka kana fogaadaan munkaraadka iyo dunuubta xiliga barwaaqada ah dadku sameeyaan, waxay kale oo kala hadleen in dadka wax la baro lagana fogaado dhaqanada xunxun oo ay ugu horayso tubaakada iyo qaadka IWM.
Kalmadii culumada ka dib ayaa hadalkii waxaa qaatay odayaashii deegaanka waxayna aad u soo dhaweeyeen culumada iyo ducaada jowlada ugu timid ayagoo codsaday in loo sii wado jowlooyinkaan dacawiga ah.

Sidoo kale waxay culumadu ku hakadeen deegaanka Jeexo inkastoo ay Qansaxle ka dad yarayd haddana aan ka wacdaro yarayn, ka dibna duhurnimadii ayey culumadu gaareen magaalada Bursaalax oo runtii ah magaalo casri ah kana mid ah magaalooyinka degmada ugu muhiimsan , horumar badana ku tilaabsatay xag waxbarasho, biyogalin, dhisme IWM.

Waxaa ducaada halkaas soo dhaweyn diiran ugu sameeyey culumada deegaanka oo ugu horeeyo Sheekh Muuse Yuusuf Xaaji ,Inkastoo masjidkii jaamaca ahaa dhisme ku socday haddana culumadu waxay bacdal casar kasoo jeediyeen kalmad masjidka Salaama oo ku yaal bartamaha magaalada, ka dibna culumadii iyo jamaacadii masjidkuba waxay usoo dareereen bartamaha magaalada oo lagu sameeyey dacwo shaaric balaaran, halka bacdal maqribna isla masjidkii laga soo jeediyey muxaadaro ka hadlaysay fadliga cilmiga.

Waxaa kale oo culumadu sameeyeen booqashooyin ay ku sameeyeen goobaha kala duwan ee  waxbarashada gaar ahaan koleejka wayn ee bursaalax iyo dugsiga H/Dhexe ee Cirro, halka habeenimadeena ay kalmad dumarka loogu talo galay ka jeediyeen idaacada Alxikma ee Bursaalax.

Bacdal cishaaigii ayaa la isugu yimid kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen ducaada iyo culumada iyo maamulayaasha goobaha waxbarashada  qaybo ka mid ah, kulankaas oo la isku dhaafsaday talooyin muhiim ah ayaa ku soo gabagaboobay jawi farxadeed iyo is fahan.

Mu,assasada ayaa qorshaynaysa safar labaad oo ay ku aado deegaanada dhiman ee degmada sida Xerojaalle, isqanbuus, Riigoomane, Daarasalaam, IWM.

no images were found

Xoghaynta warbaahinta ee
Mu,assasada Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online