Dekeda Muqdisho oo lagu qabtay Konteenar sida Walxaha Qarxa, Hub iyo Tuute Ciidan (Masawiro)

October 28, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Ciidanka Booliska ee Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa waxay  maanta  gacanta ku dhigeen Kunteenar  laga soo buuxiyey walxaha qarxa gaar ahaan kuwa lagu xiro gawaarida ee lagu laayo shacabka magaalada Muqdisho .

Waxaa kale oo  Kunteenarka  laga dhex helay dharka tuutaha Ciidanka DFS  iyo hub kala duwan   .
Kunteenarka ayaa ah kii ugu horeeyey ee la qabto waxaana tuhun badan laga qabaa in kuwa kale ay u gudbeen gudaha Muqdisho.

Taliska Booliska ee Dekeda magaalada Muqdisho Maxamed Cabdi Eebow Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka  Khaliif Axmed Ereg , saraakiil kale oo ka tirsan DFS ayaa tagay Dekeda Magaalada Muqdisho  iyaga oo saxaafada u soo bandhigay hubka lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho waloow uusan sheegin halka uu hubka ka yimid.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya sida uu hub ,tuute iyo miinooyin intaas gaaraya loo haweystay in laga soo dajiyo Dekeda Magaalada Muqdisho iyada oo ay Dekeda Magaalada Muqdisho gaar ka hayaan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha.

no images were found

Madaxda iyo Saraakiisha ciidanka DFS ayaa ilaa haatan wax war ah ka soo saarin hubka maanta lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayaa waxaa lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho konteenarro uu qamri ku jiro taas oo ka fajicisay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online