Fikradaha Shisheeyey ee Islaamka iyo dadkiisa ku soo duulay Sh Umal.[Daawo]

October 24, 2014 - Written by Editor

MuxaadaroNairobi:-Habeenimadii xalay Waxaa Muxaadaro qiimo badan galay Sheekh Maxamed cabdi Umal Masjidka 6ka xaafadda islii wuxuuna cinwaan uga dhigay shiikhu fikrado shisheeye oo kusoo duulay islaamka iyo dadkiisa gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkooda hooyo.

Shiikhu muxaadaradda wuxuu kaga sheekeynayaa waxyaabaha ugu khatarsan ee ku soo kordhey Dalka Soomaaliyed oo ah xaga Caqiiqada iyo Nimanka Shiicadda Madhabkooda ay Dalka la soo galeen iyagooo ku Andacoonaya Inay Samafal ka wadaan Dalka Soomaaliya iyo Arday Soomaaliyeed oo ay Siinayaan Deeq Waxbarasho .

Shiikhu Sidoo kale wuxuu ka waramayaa cadawga gaalada ah ee dalka Soomaaliya ku sugan sida Ciidama AMISOM ee dalka maanta ku haya Dhibaatooyin badan oo Beri ay adag tahay raadka ay ka tagaan in la baabi’iyo.

Sidoo kale Wuxuu Shiikhu Ka Hadey Calmaaniyada iyo Sida Tartiib Tartiib u Soo geleya Dalka Soomaaliya , Wuxuu Shiikhu Ballan qaadey Inuu Ka galayo Muxaadaro ku Saabsan Calmaaniyada iyo Khatarteeda .

Shiikhu wuxuu tusaale u soo qaatey Buugii uu qorey Cabdi Siciid Cabdi Ismaaciil Buugaa oo ah Buugii ugu gaalnimada badnaa ee uu qoro shakhsi Soomaaliyeed , wuxuu sheegey shiikhu in Buugaasi uu ka galay Muxaadarooyin, Sidoo kale uu Muxaadaro kaga Jeediyey TV ga Somali channel iyo Idaacadaha BBC laanteeda Afsoomaaliga iyo Idaacada ku hadasha Afka Dawladda Maraykanka ee VOA ,isagoo u sharaxay Shiikhu Ummada Soomaaliyeed in Buugaasi yahay gaalnimo cad iyo qayb ka mida duullaanka lagu soo qaadey shacabka Soomaaliyeed .

Shiikhu wuxuu Sheegey In Jawaabtii ka soo noqotey Qoraaga Cabdi Siciid Cabdi Ismaaciil ay noqtey inuu soo duubo Muqaal 30 Daqiiqo ah oo uu ku Difaacayo gaalnimadiisa iyo xadgudub kii uu ku xadgudbey diinta Islaamka , iyo Suubanihii Nabigeena N.H.K.H.

Hoos ka Daawo Muxaadaradii Fikrado Shisheeyey oo Islaamka iyo Dadkiisa ku soo duulay Sh Umal

Hoos ka Daawo Qeybtii labaad ee Muxaadarada Sh Maxamed Cabdi Umal uu uga hadlay Fikradaha Shisheeyey ee Islaamka iyo dadkiisa ku duulaanka ah.

Mawliid Isma Haradigeed
Salafmedia, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online