Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika oo Hambalyada Ciidul Adxa u diraya Ummada Soomaaliyeed

October 4, 2014 - Written by Editor

بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين نبينا محمد وعلى آله وصحبه والتابعين ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدينc logo 

Dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba waxaan u diraynaa tahniyada ciidul Adxa sanadka 1435/2014, ciid mubaarak, taqabalalaahu minnaa waminkun saalixal acmaal, illaahay waxaan kabaryeynaa inuu inaga aqbalo cibaada wanaagsan ee aan illaahay ugu dhawaanay maalamahaan bisha xurmada leh ee dulxijja iyo xiliyada kaleba.

Si gaar ah Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay ku ciida ciidwanaagsan, illaahayna ciido kale oo badan ha inoo soo celceliyo. Dhamaan ummadaha Muslimiinta ah iyo annaga Soomaali ahaanba, waxaan illaahay uga baryeynaynaa in ciidaha soo socda ay noqdaan kuwo dhinac kasta uga khayr badan kuwii kasii horeeyey.

Boorin

Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika wuxuu ku boorinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Ameerika  inay bishaan iyo billaha kaleba khayrka kororsadaan, cibaadadana laban laabaan, Bari oo ciida waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha illaahay abuuray, sidaa daraadeed waa in lagu dadaalaa waxkasta oo illaahay dhawaan shihiisa lagu gaarayo, sidoo kale maalmaha hilba warashadda. Sida ka sugan Nabiga(scw)

عن عَبْدِ اللَّهِ بْنِ قُرْطٍ عَنْ النَّبِيِّ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ- قَالَ:” إِنَّ أَعْظَمَ اْلأَيَّامِ عِنْدَ اللَّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى يَوْمُ النَّحْرِ ، ثُمَّ يَوْمُ الْقَرّ “. صحيح سنن أبي داود 

“Cabdullaahi ibnu Qurdhii, wuxuu ka wariyey inuu yiri Nabiga (scw) Maalmaha ugu wayn illaahay agtiisa waa maalinta dhuun dhowga iyo maalinta mina la joogo oo ladagayo” Sida xadiiska aan ka arkayno maalinta ciidul adxaa waa maalinwayn, dadka inta badana waxay ku mashquul sanyihiin dabaaldag laga yaabo in dadka qaar ay ku dhacaan wax yaabo aan ku banaanayn diinta ciid iyo ciid la’aanba, sidaa daraadeed waa in loo dabaal dagaa sida sharcigu inoo ogolyahay.

Dardaaran:

Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika waxay u dardaarmayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed inay ku dhaganaaddaan diintooda iyo caqiiqada ahlusunnah waljamaacah, kana dig doonaadaan caqiidooyinka aan saxiixa ahayn sanadahan danbena docodocaynayey ummada Soomaaliyeed.

Ummada Somaaliyeed inay ulla noqdaan masaa’ilka diinta culummada ehelka u ah, alla kacabsi,xalaal miirasho iyo aqoona ku sifoobay. Sidoo kalena illaahay ummada dhexdeeda qubuul iyo kalsooni u dhigay.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan, Maraykanka waxaan u dardaarmaynaa inay garab istaagaan Masaajida iyo xarumaha diinta ee ay ka hirgaliyeen wadammadda ay daganyihiin, sidii ay u gaarli lahaayeen ujeedadii loo aas aasay, oo ay ugu horayso inay iyaga iyo abadkooduba ku bartaan diintooda kuna  illaashadaan caqiidadooda.

Xuramaha hirgalintooda oo ah howl muhiim ah, waxaa ka culus wadidooda si ay u xaqiijiyaan ahdaaftii loo unkay, arintaasna waxaa dhacda in dadka qaar fududaystaan, waxaan xoojinaynaa in howshaas xil gaar ah la iska saaro.

Ugu danbaytii waxaan ummada Soomaaliyeed meel ay joogaanba illaahay uga baryeynaa inuu ka xifdiyo shar oo dhan, midnimana iyo is ogolaanshana dhexdooda dhigo,  una soo celiyo haybadoodii iyo karaamadoodii Diineed, akhlaaqeed, ehel ahaaneed iyo qaran ahaaneed. Markale Ciid wanaagsan.

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika
Sheikh Abdullaahi Nuur (Abul Fadli) Minneapolis, MN USA

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online