Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo booqday dhaawacyada ku Jira Isbitaallada Muqdisho [Masawirro]

October 22, 2014 - Written by Editor

IMG_4869 (1)Muqdisho:-Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa booqday shacabka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho gaar ahaanna dadkii shacabka ahaa ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxyadii lala eegtay qaar ka mid ah maqaayadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Guddiga Adeegga Bulshada waxa ay warbixin ku aadan xaalada dadkii ku dhaawac may qaraxyada ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo isagu sheegay in inta badan dadkii dhaawac yada ahaa ay ku dadaaleen dhaqaatiirta islamarkaana ay xaaladoodawanaag santahay intooda badan waxaana warbixintaasi kadib ay guddigu u kuur galeen oo ay mid mid u booqdeen dhammanba dadkii dhaawacyada ahaa.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo booqashadooda kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in u jeedada booqashada guddigooda ay tahay iney indhahooda ku arkaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah kadibna ay u gudbiyaan baahida ay qabaan dhaawacyadii ay la kulmeen Wasaaradaha qaabilsan si wax loogu qabto.

Gudoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo isagana dhankiisa booqashadooda kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay iney dareen ahaan aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay muwaadiniintan Soomaaliyeed, xanuunkana ay la wadaagayaan waxaana uu dhinaca kale ballan qaaday ineysan guddigu ka seexan doonin sidii wax loogu qaban lahaa dadkan shacabka ah.

Waa qeyb ka mid ah waajibaadka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u igmaday Guddiga Adeegga Bulshada iney si dhab ah ugu kuurgalaan xaaladaha ay qabaan dadweynaha kadibna baahiyahooda loo gudbiyo hay’adda fulinta si wax loogu qabto.

no images were found

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online