Gudigii Abaaraha Gobolka Gedo ee Koofur Afrika oo xaflad Mahadnaq ah qabtay[Masawiro]

October 17, 2014 - Written by Editor

b4Waxaa caawa oo khamiis ah bishana ay tahay 16/10/14 bacdal maqrib ku qabtay xaflad magaalada Johannesburg gaar ahaan Hotel Nuura gudigii abaaraha gobolka Gedo, xafladaan oo ku saabsaneed mahadnaqa allah ka sakoow in loo mahadnaqo jaaliyada soomaalida ee dalka Koofur afrika siddii wayneed ee ay uga qayb-qaateen gurmadkii abaarta Gobolka Gedo, waxaa ugu horayntii mahadnaqa bilaabay gudoomiyaha jaaliyada beesha Sade mudane Saney  oo mahadnaqa ka sakoow soo bandhigay lacagihii ilaa hadda soo xarooday.

Gudoomiyaha waxaa uu soo bandhigay in ilaa hadda la aruuri yay lacag ka badan 400,000 R oo ah lacagta Koofur afrika, waxaana uu sheegay in ilaa hadda ay direen 31,000 dollar ayadoo lacagtaa ay ku aadiyeen Mu,asasada al-raxmah oo ah mu,asasada ugu wayn ee ka shaqeesa barnaamijka abaaraha gobolka Gedo.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladii Sh.Maxamuud C/laahi cagadhigato iyo C/raxmaan maxamed xuseen iyo maxamed Aadan Abdile iyo aadan C/lle oo dhamaan ka tirsanaa gudigii abaaraha ee gobolka gedo, waxayna sheegeen dhamaantood in ay aad ugu farxeen caawintii walaalaha jaaliyada Koofur afrika ay muujiyeen intii ay socotay gurmadkii abaaraha ee gobolka.

Culimada ayaa waxaa ay sheegeen in dhamaan lacagihii la diray loo isticmaalay biyo dhaamin dhamaan gobolka, ayadoo ay arintaa fulinaysay mu,asasada al-raxmah.

Gudoomiye Saney iyo dhamaan raggii hadlay ee gudiga abaaraha waxay si gaar ah ugu mahadnaqeen majliska al-bayaan oo qayb wayn ka qaatay barnaamijkan gurmadka abaaraha.

Waxaa kale oo ka hadlay xaflada odayaasha hogaanka soomaalida iyo qaar ka mid ah ganacsatada soomaliyeed, waxayna dhamaan ku farxeen xisaab celintii ay gudiga soo celsheen iyo sidda qiimaha badaneed ay gudiga uga soo baxeen howshii muhimka ahayd ee ay u istaageen.

Dhinac kale waxay dhamaan ragii hadlay isku waafaqeen in ummada loo horkaco barnaamijta noocaan oo kale ah oo ah isu -samafalka ummada oo  waajib ku ah dadka muslimiinta si gaar ah soomaalida, waxaana ka mid ahaa ragii hadlay sheekh siciid, suldaan qooqaani, ganacsade c/qafaar, diktoor yaasiin, iyo gudoomiye shariif.

Ugu danbaystii waxaa loo dareeray casha sharaftii ay sameyeen gudiga abaaraha gobolka Gedo ayadoo dadkii meesha isugu yimid oo aad u badnaa ay ku faraxsanaayeen sidda uu u dhacay barnaamijka.

no images were found

Sh Muhamed Aadan Abdile 
Halgan,net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online