Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho oo ku baaqay in la taageero Ardayda waayey Lacag ay wax ku bartan [Masawirro]

October 11, 2014 - Written by Editor

Daaru_Sacaada_Qardho (3)Siiciid Maxamed Faahiye Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho ayaa ku baaqay in la taageero ardayda danyart ah ee waayey lacagaha ay wax ku bartaan si ay ula mid noqdaan ardayda waalidkooda ka bixiyo lacagaha waxbarashada,hadalkaan ayuu gudoonka waxbarashada ka sheegay Xaflad loo qabtay 29 arday oo bartay Hingaadda Akhrinta Qur’aanka kariimka oo muddu lix bilood ah ka baranayey Dugsiga Daaru’Sacadda Qardho.

Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho Siiciid Maxamed Faahiye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka Xafladdani looqabty arday aad u yar yar oo loo diyaariyey barista iyo Xifdinta Qur’aanka kariimka,waxa uu la dardaarmay Macalimiint soo diyaarisay ardaydaani in ay baran waxwalba oo heer ku gaarikaraan ayna ku hagaan wadooyinka toosay maadaama ay hadda diyaar u yihiin in ay waxbartaan.

Maamulaha Dugsiga Daaru’Sacaadda Qardho Cumar Siciid Mataan ayaa ka hadlay Xafladaani Ujeedada loo qabtay in ay tahay dhiirigalinta ardayda iyo weyneynta Barashada Qur’aanka kariimka si ardayda kale ay ugu dhiiradaan Barashada Qur’aanka kariimka.

Cumar Siciid Mataan ayaa sheegay in Dufcaddii sagaalad oo baratay Hingaadda Qur’aanka ay maanta xafladaani u qabanayan waxaana ka dhameeyey 29 arday oo isugu jira wiilal iyo Gabdho oo dadooda gaareysa 6 sanno Jir.

Maamulaha Dugsiga Daaru’Sacaadda Qardho Cumar Siciid Mataan waxa uu sidoo kale sheegay in Waalidka ay kaalin weyn ka qaateen soo saaridda ardaydaani oo subaxwalbo soo diri jiray ardaydaani si ay maanta heerka gareen u yimaadaan,waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyey Macalimiinta dadaalka ku bixisay soona saaray ardaydaani.

Dugsiga Daaru’Sacaadda waxaa laga bartaa Qur’aanka kariimka iyo Culuumta diinta islaamka,waxa uuna dhawaan ku soo kordhiyey xiliyadda habeenkii Barista Qur’aanka kariimka dadka waaweyn waxana ka faa’iideysanaya dad aad u badan oo la baraya lagana saxayo akhrinta Qur’aanka kariiimka.

Dadaalada waxbarasho uu wado Dugsiga Daaru’Sacaadda waxa ay sii gashay Sanaddii Saddaxaad oo dugsigaani ka furanyahay Magaalada Qardho,waxana Tartankii xifdinta Qur’aanka kariimka ee lagu qabtay Biishii Soonka magaalada Qardho waxaa kaalinta koowaan 20-kajus iyo 10-kaJus ee Qur’aanka kaalinta koowaad ka galay labo arday oo ka socday Dugsiga Daaru’Sacaadda halka guulo fican ay ka gaareen Tartankii Guud ee loo qabtay Dugsi
Qur’aanada ku yaalo Puntland.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online