Iska horimaad u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DFS oo ka dhacay magaalada Muqdisho

October 7, 2014 - Written by Editor

ciidanMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Iska horimaad kooban oo mudo socday uu ka dhacay afaafka hore ee Dekeda magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya ciidanka Booliska DFS iyo kuwa Nabad Suggida , wuxuuna geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawacba.

Iska horimaadaka ayaa bilaawaday ka dib markii ciidanka Nabad Suggida DFS ay ku amreen ciidanka Booliska in ay qaadaan Isbaaro u tiil afaafka hore ee Dekeda waxaana arinkaas ka biyo diiday ciidanka Booliska ka dibna waxaa bilaawday iska horimaad la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Iska Horimaadka maanta ka dhacay afaafka hore ee Dekeda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay afar  askari oo 3 ka mid ah ay yihiin kuwa Nabad Suggida.

Ma aha markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan DFS waxaana ilaa haatan ay madaxada iyo saraakiisha sare ee DFS ay xal u wayeen iska horimaadka mar wal walba dhexmara ciidanka DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online