Jaaliyada Soomaalida ee Koonfur Afrika oo lacag gaarsiiyey Gobolka Gedo.[Masawiro]

October 5, 2014 - Written by Editor

koofur afrika 1Gedo:-Waxaa maalintii Arbacada oo bisha ay ahayd 01-da bisha 10aad u suurtagashay Jaaliyada soomaalida Koofur afrika in ay gaarsiiyaan lacag walaalahooda ku dhibaataysan gobolka Gedo abaaraha ka jira. Lacagtaan oo ay soo aruuriyeen gudi loo saaray arrintan abaaraha ayaa waxaa laga soo Uruuriyay qaar ka mid ah gobollada koofur afrika ee soomaalida ay ka shaqaysato, waxaana hogaaminaayay gurmadkan ay jaaliyada soomaalida Koofur afrika walaalahooda u samee yeen Majliska Islaamiga ah ee Al-bayaan.

Lacagta shalay la diray oo dhameed 21 kun oo dollar ayaa waxaa ay jaaliyada ku wareejisay Mu,asasada al raxmah oo ah hay,ada ugu wayn ee ku howlan wax ka qabashada abaaraha gobolka gedo, lacagtaa 21ka kun ahayd ayaa waxaa ay tahay wajiga koobaad ee gurmadka ay u fidiyeen jaaliyada walaalahooda ku dhiibaataysan gobolka gedo, waxaana la rajaynayaa haddii allah yiraahdo in dhaqaalo kale ay soo gaarsiin doonaan jaaliyada abaaraha gobolka gedo.

Mu,asasada al raxmah ayaa u mahad celisay mahada allah ka sakoow jaaliyada soomaalida ee koofur afrika oo ay hogaaminayso majliska albayaan gurmadka ay walaalahooda gobolka gedo la soo gaareen, waxaana isla maanta oo ah khamiis ay u suurtagashay hay,ada al raxmah in biyo dhaamin ugu bilaabeen lacagtii ka timid koofur afrika qaar ka mid ah dadka degan baadiyaha degmada Ceelwaaq.

Waxaa dhawaan shir ay ku yeesheen magaalada Johannesburg odayaasha, ganacsatada, culimada, dhalinyarada, dumarka jaaliyada soomaalida ay go,aansadeen in gurmad loo fidiyo walaalaha ku dhibaataysan gobolka gedo.

Shirka ayaa waxaa lagu magacaabay gudigan hadda soo uruuriyay dhaqaalahan hadda la diray iyo mid kale oo gudiga gacanta ku haayo, waxaan si wayn gurmadkan uga qayb qaatay majliska islaamiga ah ee albayaan.

no images were found

Gudiga Gurmadka Abaaraha  Gobolka Gedo
ee Koonfur Afrika ,
Johannessburg

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online